Madaxweyne-Xigeenkii Hore Oo Madaxweyne Biixi Ku Bogaadiyay Isbedelka Madaarka Berbera

0
642

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee dalku marayo, Saldhiga Milatari ee Imaraadka ee Berbera, go’aanka uu ka qaatay Madaxweyne Muuse Biixi, wada hadalada Somaliya iyo aragtidiisa ku waajahan heshiiskii ay hore u wada galeen Khatumo iyo Xukuumaddii hore Axmed Siillaanyo.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay Saldhiga Milatari ayaa yidhi “Anigu marar badan oo hore ayaan ka digay khatarta iyo dhibta ka dhalan karta Saldhiga Milatariga, maxaa yeelay waxaynu ognahay oo aynu ka war qabnaa  Sucuudiga oo leh kayd iyo awoodba, in laga weeraray intaas oo kilomitir,inagana si yar oo fudud ayaa Dekaddeena, Hamaheena Shidaalka iyo Madaaradeena loo soo weerari karaa, Saldhig Milatari dalkeena lagu yeeshaana colaad, cadaawad iyo dhib mooye, dheef aynu ka dhaxlaynaa ma jirto, Madaxweynahana waan ku bogaadinayaa waanana uga mahadnaqayaa talabaada iyo go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatay Saldhiga Milatari, ee uu ku sheegay in laga dhigi doono Madaar rayid ama Madaar caadiya oo Shacabku leeyahay, maslaxadeena iyo danteenu waxay ku jiraan inaynu ka dheerano wax kasta oo dalkeena iyo dadkeena khatar ku ah, cadaawad aynaan qaadi karina u soo jeedi kara, wax walbana ka fiirsi ayey leeyihiin, waxaana xusid mudan in go’aankan Madaxweynaha ay Shacabka Somaliland aad u soo dhaweeyeen”.

Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Marka hore haddii aynu la hadlayno Somaliya, marka ugu horeeysa waa inay Dawladda Somaliya qirtaa inaynu ahayn Dawlad 26/6/1960  qaadatay xornimada, oo iyada ka madax banaani horeeysay, markaas taas qirto oo ay qirto inaynu hayn laba dal oo isku tagay oo midawbay, haddana kala noqday, markaas weynu wada hadli karna,oo weynu wada xaajoon karnaa, balse inta ay ina sheeganayaan, oo ay leeyihiin Somaliland, Somaliya ayey ka mid tahay, lama hadlayno, suurtagalna maaha inaynu ka mid noqono, ta kale Dawlad maanta adag, oo lagu xisaabtamo karo oo lala hadli karo, oo Somaliya ka wada talisaa ma jirto, ee waxaynu arkaynaa inay Somaliya intaas oo Maamul Gobolkeed u kala baxday, oo intaas oo khilaaf iyo muran ka jiro, halkaynu inagu nahay dad iyo dal mida ah, oo kala dambayn iyo dawladnimo dhamaystir leh, oo nabadiisa iyo xasiloonidisa leh, Shacabka Somaliland waa Shacab tashaday, oo qarankooda iyo dalkooda u tashaday, waa Shacab dawladnimadooda iyo dalkooda jecel ”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida u arko heshiiskii ay wada galeen Khatumo iyo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ayaa yidhi “Heshiiskaasi uu jiray, laakiin anigu qodobada lagu heshiiyey iyo nuxurka maan akhriyin, laakiin tabasho kasta oo jirta in la eego  oo wax laga qabto waa mid meesha ku jirta.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here