Guddoomiyaha Guurtida Oo Ku Taliyey In Aan La Dhayalsan Colaada Ceel-Afweyn

0
734

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku taliyey in aan la dhayalsan colaada Ceel-afweyn,wuxuuna ku baaqay in Xukuumadda lagu garab istaago oo lagu taageero sidii halkaas looga heli lahaa heshiis iyo nabad waara, waxaanu si gaar ah fariin ugu diray Madaxda labada Beelood ee Ceel-afweyn, oo uu sheegay in rabaan Nabada.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan,  ayaa sidoo kale Maamul Goboleedka Puntland u diray digniin, waxaanu ugu baaqay in aanay ku soo xad gudbin xadka Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Sanaag bari waa tii lagu soo duulay, Puntland baa lagaga soo duulay, Rag deegaanka ahina malaa hogaan wey u ahaayeen, haddii kale kumay soo dhaceen, wixii dhacay dhace, wixii lagu soo duulayna Somaliland bay ahayd, arintaasina waa arin inoo taala inaga iyo Xukuumaddaba”.

Mar uu ka hadlaayey Ceel-afweyn ayaa yidhi “Ta Ceel-afweyn salka u tahay ,waxay ila tahay xaaladu halkay maanta marayso hormoodnimadeeda, waxaa waajibka kowaad leh Madaxweynaha iyo Xukuumadda, garab iyo gaashan baynu u nahay, wixii talo iyo takulayn ah, diyaar baanu ula nahay, waa ay inagu rafatay, walina xal nabadeed bay u baahan tahay, Xukuumadda hadda ku hawlgan, inaguna weynu ku garab taagan nahay, laakiin arin la dhayalsado maaha, iskama timaado nabadu ee waa inaynu nabada ku shaqeeynaa, nabada waa la juujuubaa, labada beel weyn ee labada qoys ee dagaalamaya, waxaad mooda in madaxdoodu nabad u godlan yihiin, mid iyo laba fidnaysan oo tilmaaman mooye, ee Madaxda labada Beel weyn nabada wey u helan yihiin, waliba wey ku filan yihiin, inaga guubaabo iyo garab joog baa la inooga baahan yahay”

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Gole ahaana ay wax ka qaban doonaan isla markaana soo af jari doonaan dhibaato ka taagan Lughaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here