Siyaasiyiin 40 Jir Ka Yar Oo Dunida Caan Ka Noqday: Dhalinyaro Taladoodu Dunida Samaayn Ku Leedahay

0
675

1Hargeysa (Geeska)- Siyaasaddu ma’ laha da’ qaangaadh oo la isku waafaqsan yahay, in kasta oo ay inta badan shucuubtu doortaan hoggaamiyeyaal da’doodu kor u dhaaftay 40 gu’ iyaga oo malaha u malaynaya in ay leeyihiin waayo-aragnimada iyo garaadka ay dal ku maamuli karayaan. Laakiin waxa ay taariikhda dunidu ka marag kacday in ay jiraan hoggaamiyeyaal iyaga oo ka yar 40 jir wax xukumay illaa imikana dalal muhiima xukuma. Waxaa jira hoggaamiyeyaal iyaga oo aad u da’ yar qabta talada dalalkooda ama gaadhay mansabyo ay talada ugu dambaysa wax ku leeyihiin, qaarkoodna carruur ayaa ay ahaayeen, waxaana ka mid ahaa boqorro, madax iyo hoggaamiyeyaal sifooyin kale ku yimid xukunka.

Qormadan xiisaha badan oo Geeska Afrika uu ka soo xigtay degelka Elaph uu akhristayaashiisa kula wadaagayaa hoggaamiyeyaal iyo shakhsiyaad mansabyo sare haya oo da’doodu ka yar tahay Afartan sano, maadaama oo da’daas iyo ka weyn uun lagu ogaa talada iyo xukunka dunida.