Siyaasiyiin 40 Jir Ka Yar Oo Dunida Caan Ka Noqday: Dhalinyaro Taladoodu Dunida Samaayn Ku Leedahay (1)

0
539

1Hargeysa (Geeska)- Qormadan xiisaha badan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa hoggaamiyeyaal iyo shakhsiyaad mansabyo sare haya oo da’doodu ka yar tahay Afartan sano, maadaama oo da’daas iyo ka weyn uun lagu ogaa talada iyo xukunka dunida.

1. Amiirka gurayga ah:

4

Amiirka da’da yar ee Mawlaaya Al-Xasan oo uu dhalay Boqorka dalka Marooko Boqor Muxammed ka Lixaad, ayaa ah Amiirka ku magacaaban jagada dhaxal-sugaha dalka Marooko, mansabkaas oo aad u sarreeya marka la eego nidaamka Boqortooyooyinka ayaa Mawlaaya Al-Xasan ka dhigaya dhaxal-sugaha dunida ugu yar.

Amiir Mawlaaya Al-Xasan waa wiilka curad ee boqorka dalka Marooko boqor Muxammed-ka Lixaad, waxa aanu dhashay sannadkii 2003-da, isla markaa uu dhashay ayaanu boqorku u magacaabay in uu noqdo dhaxal-sugaha boqortooyada.

In kasta oo uu boqor Al-Xasan 12 sano jir yahay, haddana illaa hadda waxa uu ka qaybgalay munaasabado rasmi ah iyo kulanno muhiim ah oo uu ku metelay boqorka ama dalka Marooko, dadka sida gaarka ah ula socda xaaladda boqortooyaduna waxa ay ku tilmaamaan in uu yahay wiil da’diisa ka weyn oo si yaab leh ula jaanqaaday anshaxa dowladnimo iyo baratakoollada rasmiga ah. Waxaa lagu tilmaamaa in firfircoonida iyo karti badnida uu in badan ka masaalo awoowgii dhalay aabihii oo xukunka uu aabihii ka dhaxlay.

2. Kim Jong-un:

5

 Waa hoggaamiyaha dalka Koonfurta Kuuriya, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay hoggaamiyaha ugu da’da yar madaxda dunida maanta taladooda haysa. Kim Jong-un oo dhashay sannadkii 1983kii waxa uu talada dalkiisaqabtay sannadkii 2011ka oo ay da’diisu markaa ahayd 28 sano jir, waxa aanu xilka uga dambeeyey aabihii  oo isna ka sii dhaxlay aabihii oo ahaa hoggaamiyihii Shuuciga ahaa ee aas-aasay nidaamka Kuuriyada Koonfureed.

Dalka Kuuriyada Koonfureed waxaa lagu tilmaamaa dalka sirta, wax kasta oo dowladda si uun ula xidhiidhaana waa sir qaran, sidaa awgeed wax xog ah oo lagu kalsoonaan karo lagama hayo shakhsiyadda iyo taariikh nololeedka hoggaamiyaha da’da yar, xitaa magaciisa saxda ah ayaa mararka qaarkood muran iyo dood la geliyaa, wararka yar ee la helaana kalsooni badan ma mudan karaan oo waxa ay inta badan ka yimaaddaan dhinacyo ay colaadi ka dhaxayso dalka Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo u badan dalalka reer galbeedka iyo dalka Kuuriyda Koonfureed ee ay kala goosteen.

Wararka yar ee laga helaa waxa ay sheegayaan in hoggaamiye Kim Jong-un uu wax ku soo bartay dugsi caalamiya oo ku dhow magaalada Bern ee caasimadda dalka Switzerland iyo jaamacad milateri oo dalkiisa ku taalla, jaamacad gaar loo leeyahay oo dalka Malaysia ku taallaana waxa ay ku sharaftay shahaadada Doctorate ka.

3. Xiddigga Sucuudi ee soo baxaya:

6

Wasiir-difaaca dowladaha dunida oo dhanugu da’da yari waa Amiir Muxamed Bin Salmaan, isla markaana waa dhaxal-sugaha labaad ee boqortooyada. Dadka siyaasadaha boqortooyada guunka ah ee Sucuudiga la socdaa, waxa ay Amiir Muxammed ku tilmaameen in uu yahay amiirka ruuxda dhalinyaronimo ku afuufay boqortooyada, ee hal-adayg aanay adeerradii hore u lahayn inta uu la soo baxay waajahay xaaladda Yemen oo dalkiisa muddo xujo ay ka jawaabi kari waayeen ku ahaa. Weliba marka dhaliilaha kale laga tago waxaa lagu tilmaamaa in shakhsiyan uu muujiyey masuuliyad weyn iyo karti aan marka hore laga sii filayn.

Amiir Muxammed waxaa lagu tilmaamaa nin go’aamadiisa iyo nidaamkiisa maamul isu miisaaman yahay, karti badan, isla markaana leh awood go’aan qaadasho degdeg ah oo uu kaga hortegi karo xujooyinka kala duwan iyo caqabadaha joogtada ah ee siyaasadda bariga dhexe ku milan. Amiir Muxammed in kasta oo aanu aqoon milateri lahayn, haddana khibradda maamul ee milateriga waxa uu dadka siyaasadda dunida lafa-gura iyo saxaafadda kaga kasbaday naanaysta ah, Janaraalka rayidka ah.