Suaalo Ka Soo Noqday Shirkad Ay Guddiga Qandaraasyadu Siiyeen Tababarista Ciidamada OPU

0
493

Hargeysa(Geeska)-Gudiga qandaraasyada qaranka ayaa toddobaadkan bixiyay liisanka shirkad ay ku andacoodeen inay ku guulaysatay tababarista ciidamada loo samaynayo ilaalinta khayraadka iyo soo saarista shidaalka ee OPU oo uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan aasaasay.

Guddoomiyaha qandaraasyada qaranka Mr. Aadan Nugaal, ayaa sheegay inay shirkadda Saladiin Security LTD ku guulaysatay qandaraaskaas, ka dib markii ay lix shirkadood ku tartameen qandaraaskaas. Hase yeeshe suaalo badan ayaa ka dhashay hanaanka loo bixiyay qandaraaskaas oo lagu tilmaamay mid cadaaladda ka fog, waxaana banaanka u soo baxay shirkado ajaanib ah oo tartanka ka qayb galay, kuwaas oo sheegay in lagu reebay cadaalad darro, waxaanay guddoomiyaha guddiga qandaraasyada ku eedeeyeen inuu indho kale wax ku eegay.

Mustafe Xasan, oo u hadlayay shirkadda R4 oo ah shirkad Maraykanka uu fadhigeedu yahay, una waramay HCTV, ayaa sheegay in shirkadooda lagu reebay cadaalad darro islamarkaana la musuqay qandaraaskaas, waxaanu eedaymo u jeediyay guddoomiye Mr. Nugaal.

Wuxuu sheegay inay aaminsanyihiin in cadaalad darro lagu maamulay qandaraaskaas, oo uu xusay inuu dhaawac u gaysan karo sumcada Somaliland ee dibadda. Wuxuu sheegay inay shirkadda R4 waraaqo u dirayso shirkadaha shidaalka  baadhaya oo ay weydiin doonaan qaabka lagu reebay,  “R4 way ku adaghtayay inay ka hadhaaan qandaraaskaas, sababtoo ah waa muhiim in la baro wadamada soo koraya sida ay cadaaladu tahay iyo inay cashar u noqoto Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaanu sheegay inay shirkadda R4 baadhis ku waddo shirkadda la siiyay qandaraaska iyo qodobada loo adeegsaday.

Qandaraaskan ayaa Somaliland ku keeni kara sumcad xumo, mar haddii ay shirkaddaas Maraykanka ahi go’aansato inay baadhis ku samayso qaabka loo bixiyay qandaraaskaas.

Geesta kale, waxa jira qandaraasyo ka horeeyay qandaraaskan oo ay guddigu sheegeen inay bixiyeen kaas oo ay su’aalo ka soo noqdeen sida loo bixiyay.