Midowga Afrika Oo Gobolka Geeska Afrika U Soo Magacaabay Ergay Saaxiib La’ Ah Somaliland

0
744

Addis Ababa (Geeska) – Ururka Midowga Afrika, ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Mudane Olusegun Obasanjo u Magacaabay Ergayga Ururka u Qaabilsan Gobolka Geeska Afrika.

Sidaa waxa lagu sheegay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Komiishanka Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, taasi oo Khamiista soo gaadhay Warbaahinta.

Wareegtada uu soo saaray Moussa Faki Mahamat, ayaa lagu sheegay in ujeeddada Magacaabista  Olusegun Obasanjo ay tahay in Ururka Midowga Afrika uu kor u qaado isla-markaana xoojiyo Dedaalladiisa Horumarinta Nabadgalyada, Amniga, deganaansha iyo Wada-hadallada nabadeed ee guud ahaan Dalalka ku yaalla Gobolka Geeska Afrika.

“Go’aanka Magacaabista Olusegun Obasanjo ayaa qayb ka ah in Midowga Afrika uu horumariyo Nabadgalyada, Amniga, Xasilloonida iyo Wada-hadallada siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka lagu shaaciyey Magacaabista Mr. Olusegun Obasanjo, waxaanu intaa ku daray “Guddoomiyuhu aad  ayuu ugu mahadcelinaya Madaxweyne Olusegun Obasanjo inuu aqbalo xilkan siyaasadeed ee istiraatiijiga ah, iyadoo loo eegayo danta guud ee Ururka”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Komiishanka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay inuu Mr. Olusegun Obasanjo uu yahay diblumaasi leh khibrad siyaasadeed oo badan, aqoon ahaana uu aad ugu xeel-dheer yahay Xaaladda xilligan  ee Geeska Afrika.

Guddoomiyaha Komiishanka Ururka Midowga Afrika, wuxuu beesha Caalamka iyo daneeyayaasha Geeska Afrika ugu baaqay inay Ergayga siiyaan Taageero kasta oo suurto-gal ah, iyadoo la filayo inuu Toddobaadyada soo socda soo gaadho Gobolka.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo oo ah Diblumaasi khibrad badan u leh Qaaradda Afrika iyo Gobolka Geeska Afrikaba, ayaa Saaxiib dhaw la ah Somaliland, waxaana sannadkii 2019-kii uu safar ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu Marti-qaad ka helay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xilligaas, waxa Olusegun Obasanjo Casuumad loogu fidiyey Qasriga Madaxtooyada, waxaanu halkaa ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga warramay Marxaladaha siyaasadeed ee Afrika, Qadiyadda Somaliland iyo Arrimo kale muhiim ahaa.

Wareegtada lagu Magacaabay ayaa waxa ku xusan in Waajibaadkiisa ay ka mid tahay Wada-hadallada siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika, sidaasi darteed waxa suurto-gal ah inuu qayb libaaxle ka qaato Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo dabcan wax badan ka fahamsana kala duwaanshiyaha Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Geeska.net/Hargeisa Office