Siyaasiga Cali-Sanyare Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
506

Picture4Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay madaarka Hargeysa si diiran loogu soo dhaweeyay siyaasiga Cali Ibrahim Maxamed (Cali-Sanyare) oo muddo dibadda ugu maqnaa hawlo caafimaad.

Md. Cali-Sanyare oo ahaa wasiirkii qorshaynta ee xukuumadii Madaxweyne Rayaale, imikana ah guddoomiyaha guddiga gacanta ku haysa dhismaha Wadada Cad ee Hargeysa iyo Salaxley, waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay dadweyne aad u tiro badan iyo masuuliyiin ay horkacayeen Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe), guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), xildhibaano, siyaasiyiin, ganacsato, dhallinyaro aqoonyahan ah iyo haween tiro badan.

Md. Cali Ibrahim Maxamed oo halkaas saxaafadda kula hadlay ayaa u mahadceliyay dadweynihii tirada badnaa ee ku soo dhaweeyay madaarka Hargeysa, “Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa dadweynaha iyo madaxda kala duwan ee igu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa, waxaanan leeyahay waad mahadsantihiin.” Ayuu yidhi Cali-Sanyare, waxaanu intaas raaciyay inuu maalin kale la hadli doono saxaafadda madaxabanaan ee dalka balse uu shalay hadalkiisa ku soo koobay mahadcelin.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Fasal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ka markhaati kacay shakhsiyada Cali-Sanyare oo ay sheegeen inuu yahay siyaasi wax badan u qabtay Somaliland, gaar ahaan mudadii dhawrka sannadood ahayd ee uu ahaa wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin.

Sheekh Maxamed Cali Geedi, ayaa isaguna halkaas ka soo jeediyay ereyo kooban oo uu ku soo dhaweeyay Md. Cali Ibrahim Maxamed (Cali Sanyare).