Soomaaliya Oo Dhisanaysa Cudud Ciidan Iyo Falanqaynta Halka Ay U Hub Urursanayso

0
549

Picture3Muqdisho(Geeska):-Dawlada Somaliya oo muddooyinkii danbe waday kobcinta ciidamadeeda, ayaa dhawaan waxay dawlada Turkigu u soo tabobartay ciidamo gaadhaya dhowr boqol oo askari kuwaas oo soo qaatay tobabaro kala duwan oo khuseeya dhinaca ciidamada cirka, waxaa sida oo kale ay isla dawlada Somaliya dhagax dhigtay xarunta ciidamada cirka kuwaasi oo saamayn ku yeelan kara guud ahaan mandaqada.

Maraykanka ayaa isna sheegay inuu diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaano ku caawino doono Soomaaliya.

Maamulka Somaliya, ayaa sida oo kale waxaa ay dhawaan ogalaadeen in ay ciidamo ka badan 2000 oo askari ay u soo  tababarto maamul gobaleedka Puntland, kuwaasi oo iyaguna sida oo kale saamayn togan ku yeelan kara xiisada gobalka.

Taliyaha ciidamada Cirka maamulka Somaliya Sareeye Guuto Maxamuud Sh.Cali Dable Baylood, oo dhawaan dhagax dhigay xarunta loo dhisaayo ciidamada cirka Somaliya, ayaa waxaa uu ka hadlayaa muhiimada ay leedahay dib u yagleelida xarunta ciidamada cirka ee dawlada Somaliya.

"Waxaan doonaynaa in aanu soo celino qaab dhismeedkii hore ee ciidamada, dib ayaana aan u xasuusanaynaa, waxaan taaganahay xaruntii ay ahaan jirtay ama xafiisyadii taliska guud ee ciidamada cirka oo ku burburay dagaaladii sokeeye oo aan hada doonayno in aan dib u soo noolayno, si aan aas aas ugu dhigno dhismaha cusub ee ciidanka cirka qaranka Soomaaliyeed meeshani quruxda ay lahaan jirtay, haybadii ay lahaan jirtay."Ayuu yidhi Sareeye Guuto Maxamuud Sh.Cali Dable Baylood.

Sida oo kale dhawaan ayey ahayd markii dhowr dafcadood oo gaadhaya dhowr boqol oo askri kuwaasi oo ay dawlada Turkigu u soo tabobartay dalka Somaliya ay xaflad qalin jabin ah ugu samaysay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana xafladaasi ka soo qayb galay qaar ka mid madaxda dawlada Turkiga iyo Somaliya.

Soomaaliya marka la weydiiyo halka ay duulimaadka ku tahay waxa ay ku dooddaa inay iska celinayso kooxda Al-Shabaab. Laakiin dadka arrimaha amniga faaqida ayaa aaminsan in Soomaaliya oo yeelata cudud milatari ay halis gelin karto ammaanka gobalka maadaama oo aanay ahayn dawlad masuul ah oo lagu halayn karo cudud ciidan. Gaar ahaan waxa ay dadkani aaminsanyihiin in meelaha koowaad ee ay Soomaaliya diyaar garowga ugu jirto ay kaalinta koowaad Somaliland soo geli karto. Tusaale ahaan marka ay dawladda Somaliya bixisay qandaraaska ah in dhawr kun oo askari loo tababaro maamulka Puntland oo sheegta deegaano ka mid ah Somaliland; miyaanay cududaas Soomaaliya dhisayso ugu yaraan qayb ka mid ah lagu soo jihayn karin Somaliland.?

Si kastaba ha ahaate arrintan khusaysa kobcinta ciidamada maamulka Somaliya, ayaa noqonaysa mid khatar weyn ku keenaysa gobalka, gaar ahaan waxa ay khatar ku sii keenaysaa Jamhuuriyadda Somaliland oo ay dawladii Maxamed Siyaad Barre hore ugu gaysatay xasuuq aad u foolxun.