Xarunta CPA Oo Ka Hadashay Gantaalkii Lala Beegsaday Qaxoontiga Soomaalida Yamen

0
572

Picture2Bishii April 26-keedii ee sannadkan 2015, gantaalkii lala beegsaday basaskii ay saarnaayeen Qaxootiga Soomaalida ah, wuxuu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee soo foodsaara qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Yemen tan iyo intii ay socdeen weerarada Isbahaysiga uu hoggaaminayo Sucuudigu.

Ugu yaraan soddon qof ayaa ku dhintay weerarkaas oo badankoodu ay yihiin caruur iyo dumar, basaskan la weeraray ayaa ka yimi Xerada al-Qaras iyaga oo u socday magaalada Cadan, laakiin nasiib darro iyaga oo waddada maraya ayaa gantaal haleelay.

Cabdiraxmaan Bana oo ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Yemen ayaa u xaqiijiyey Xarunta Daraasaadka Siyaasadda (CPA) in weerarkan ay ku dhinteen illaa 30 qof oo Qaxooti Soomaali ah. Cabdiraxmaan wuxuu CPA u sheegay in dadka goobtaas ku geeriyooday ay ku jireen haweenay uur leh, hooyo kale oo afar caruura wadatay, iyo hooyo kale oo shan caruura wadatay oo dhammaantood ay goobtaas ku geeriyoodeen.

Cabdiraxmaan wuxuu sheegay inaan illaa hadda la garanayn in gantaalkaas hawada laga soo riday iyo inay soo tuureen maraakiibta badda ku sugan, sidoo kale waxaa weli goobtii weerarku ka dhacay yaalla maydadkii.

Waraysi kale oo uu idaacadda VOA siiyey Qunsulka Soomaaliya u jooga Sanca Cismaan Axmed Maxamuud wuxuu ku sheegay in basaskani ay mareen waddo ka duwan tii caadiga ahayd, waxayna xilligaas la kulmeen ciidamo hubaysan kuwaas oo isku dayayey inay joojiyaan basaska, laakiin isla daqiiqado gudahood waxaa kolonyadii sidday qaxootiga haleelay gantaal aan la garanayn meesha uu ka yimi.

Qunsulku wuxuu sidoo kale xaqiijiyey in tirada dhimashadu gaadhayso illaa 30 qof oo Soomaali ah kuwaas oo ka soo safray xeryaha qaxootiga isla markaana u socday Cadan.

Weerarkani waa masiibo ku habsatay qaxootiga Soomaalida ee aan qaybta ka ahayn dagaallada ka socda dalka Yemen.

Xarunta CPA waxay si adag u cambaaraynaysaa masiibadan, isla markaana uguma yeedhi karto inay ahayd dhacdo loo heli karo marmarsiiyo taas oo lagu laayey dhammaan 30 qof oo qaxooti ahaa oo aan waxba galabsan.

In la duqeeyo goobaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah, gaar ahaan dumarka iyo caruurtu, waa arrin xad-gudub ku ah dhammaan shuruucda caalamiga ah, waxaana dhacdadani ka marag kacaysaa in dhinacyada ku lugta leh qulqulatooyinka dalka Yemen ay ku xadgudbeen mabaa’diida asaasiga ah ee xeerarka caalamiga aha ee xuquuqda aadanaha, waxaana shuruucda caalamiga ahi ay tilmaamayaan in cid kasta oo ku lug leh goob colaadeed ay kala hubiyaan dadka ay la dagaalamayaan iyo dadka rayidka ah, iyo sidoo kale marka ay weeraro fulinayaan inay kala gartaan bartilmaameedyada Milateriga iyo kuwa dadka rayidka ah. Xattaa waxaa reebban in la weeraro goob milateri haddii uu khasaare ka soo gaadhayo dad rayid ah.

Illaa hadda ma cadda cidda sida badheedhka ah u bartilmaameedsatay basaskan ay saarnaayeen dadka qaxootiga ah, iyo sidoo kale sababta loo bartilmaameedaday.

 Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ku lugta leh dagaallada dalka Yemen inay baadhaan sharciyadda weerarkan lagu laayey 30 qof ee Soomaalida ah ee saarnaa basaska, taas oo xadgudub ku ah sharciyada caalamiga ah ee u yaalla xilliyada dagaalka, waxaana falalkan noocan oo kale ah ka dhalan kara dembiyo dagaal oo toos ah.

Waxaanu filaynaa in dunidu ka falceliso dilka dadkan Soomaalida ah ee aan waxba galabsan.

KU SAABSAN XARUNTA DARAASAADKA SIYAASADDA (CPA)

CPA waa xarun aan dawli ahayn, faa’iido-doonna ahayn. Hiigsiga xarunta CPA waa inuu ka caawiyo wadamada Geeska Afrika si ay ugu naaloodaan Nabadgelyo iyo Dawlad Wanaag. Xarunta xafiiska CPA waa Hargeisa,Soomaaliland.

KALA XIDHIIDH

Email: cpa.hornofafrica@gmail.com/Contact@centerforpolicy.net.

Web: www.centerforpolicy.net

Adress: Red Sea village, I/K district, Hargeisa, Somaliland.