Siyaasiga Cali-gurey Oo Wasiirka Warfaafinta Ugu Baaqay Inuu Raaligelin Bixiyo

0
930

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey)   ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in wasiirka warfaafintu uu kooxda Caare ku tilmaamo jabhad isla markaasna uu xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu ku shaanbadeeyo inay ka mid yihiin.

Waxa uu xukuumada madaxweyne Biixi ku naqdiyay inay tahay  mid aan wax talo ah ka lahayn arimaha ka taagan gobalka Sanaag, waxaanu sidan u sheegay Weriye Badri Koosaar oo ka tirsan tilifishanka Sahan, isaga oo arimahan ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Wasiirku waa afhayeenkii xukuumada warka ugu cusub ee uu inoo sheegay waxa weeye Caare oo aynu u naqaanay inan ka mid ahaa saraakiisha ciidanka oo goostay waxa uu doonayaba ha qoonsadee in uu yahay Jabhad Somaliland ah oo ka dhan ah dawlada; warkaasi horta aniga waa uu igu cusub yahay, waxa kale oo uu ku daray Jabhada Caare iyo xisbiguna  inay isku mid yihiin wasiirku waxa uu doonayay inuu u jawaabo guddoomiyaha xisbiga Waddani oo laftiisa aanan anigu hadalkiisa jeclaysan, laakiin umuu jawaabin, waxa uu la xidhiidhiyay xisbi dhan oo duul karaamo iyo ciroolaba leh inay yihiin jabhadaas Caare oo ah xisbiga Waddani, xisbiga Waddani waxa ku jira Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo hogaankiisa ka mid ah oo suldaankiisii ah(wasiirka), waxa ku jira Ismaacil Aadan, waxa ku jira Cabdilaahi Cirro, waxa ku jira Maxamed Biixi Yoonis waxa ku jira kuwa ka soo jeeda raaska Muuse Biixi ee wada Ilmaadeeradii ah, haday sidaasi run tahay oo xisbiga Waddani iyo jabhada Caare ay isku mid yihiin maxaa Caare loo raadsanayaa miyaa kuwan wax laga qabto ileen waakan yidhi waa isku mide.”

Muj.Cali Guray oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ydhi  ” Taasi waxay I tusaysaa in aan mowqif xukuumadeedba aanu meesha jirin, talona aanay jirin, waayo waxa uu ku hadli lahaa waxii xukuumadu ay ku soo tashatay siday dadku u qaadanayaana waa in waxii xukuumadu ku soo tashatay uu ku hadlaayo, anigu hadalkaas wasiirku uma arko inuu laaqi ahaa inuu raaligalin ka bixiyana way tahay. Xukuumadana waxa looga baahan yahay niman yahow talo xumaantu waa talo oo waxay dhaantaa talo la’aanta mawqifka aan imika arkayaana xataa arinta Sanaag dhinaca kalena hadalkiisa warbaahinta ayaan ka aragnaa oo intaa waxbaa la sheegayaa, mawqif kaliyaata oo ay xukuumadu ka qaadatay ama xalalka aanu haynaa waa kuwaas ama aan ku raacno ama halagu qaybsamo oo ay leedahay sidaas ayaanu u aragnaa inaan arinkaas wax kaga qabano ilaa hadda lagama hayo, ilaa maalintiina arinka Caare waxa loo daayay ayaa la lalahaa madaxweynaha iyo xukuumadiisa, waxa ugu danbeeyay Saleebaan ( G.guurtida) waxa uu yidhi in madaxweynaha iyo xukuumada loo daayay markaas runtii anigu ma jecli intay xaaladu sidaas tahay inan arinta Sanaag sideedaba ka hadlo, waayo waa layga xogogaalsan yahay oo odayaal ayaa galay oo ragbaa ku jira, ma jecli in hadalkaygu cidna u hiiliyo cidna ka hiiliyo cid aan u arkaayo kuligoodba inay qaldan yihiin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here