Siyaasi Xamarje Oo Si Kulul Ucanbaareeyay Xadhiga Ramaax,Eedo Culusna Ujeediyay Madaxwayne Biixi

0
683

 

“Ciil Qabkaaga Waxaan Moodaayey Madaxweynenimada Ka Hore, Balse Ilaa Hada Waad Wadaa”Siyaasi Xamarje,

Hargeysa(Geeska)- Siyaasi Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo kamid Masuuliyiinta sare sare Ee Xisbiga Waddani Ayaa si kulul U canbaareeyay xadhiga  Siyaasi Ramaax cali Hayse oo katirsan xisbiga ucid,

Sidoo kale Siyaasi Xamarje ayaa eedo culus Ujeediyay madaxwayne biixi waxaana qoraal uu Xamarji soo saaray uu ku yidhi “Waxaa Wax Aad Looga Xumaado ah ficilada foosha Xun ee lagula kacay (ina Cali hayste )qoys ahaan Waa qoysaska Taariikhda Qadiimka ah Ku leh Somaliland.Ramaax. maaha qofkaa in loo hanjabo iyo hatigaad Toona, Xadhigiisuna waa sharcidaro, Waana wax ugub inagu ah  Ficiladaasi, Qoysnimada Ina Biixi iyo Taariikhdiisana waxay ku tahay Dhaawac Waase  waqtiga,

Waxaan Ramaax leeyahay Qofka sidaa kugu yidhi, Iska hadlow ina igire .Hargaysina Maaha Meel Dadka Lagu Hatigo

Mudane Madaxweyne Maanta lagama sugeynin Xadhiga Ramaax ee  Hawl ka weyn ayaa lagaa sugayey fulinta heshiiskii.

Ciil Qabkaaga Waxaan Moodaayey Madaxweyne nimada Ka Horene, Dee Ilaa Hadana Waad Wadaa,Waxaanse ku leeyahay .SNM Waa wada lixle toosin Tilmaan Kursigaa Leh Hadaanad U Adkaysan karayn  Dee Iska Banee Xilka,

Xadhiga Siyaasada Ah Adaa MadaxWeyne. Ka Biqi Jiray. Balse Waaba lagu dalacaa!

M/weyne .sharcigaa Adiga Ka weyn ( Ramaaxna Intuu Hadlayey. Inta Ku Dhibtay Waan Garan Karaa .Malahayga .

Dhanka kale siyaasi xamarje ayaa ka hadlay Qodobadii Ay ergada dhex dhexaadinta kusoo afjareen khilaafka xisbiyada iyo xukuumada.

“Odayaashii Ergada ahaa go.aamadoodii Aad loogu mahadnaqay

Waxay muujinaysaa Somaliland  Waxkastoo Soo food Saara inay Ka gudbayso .meel looga baqan Aanay jirin .Dareenka Shacabka s/land .Qabiil Gobol Iyo belo waa Umad isu Tashata

Dhakhsana u ogaaday waxa qaldani inuu is moodsii uun yahay filan waaguna sunaha nolasha. Waa wax ku jira .

IinshaAallaha Hogaamiyaheenuna .wuxuu han badan u lahaa Hogaaminta Dalka Somaliland. Laakiin .Waxaan is leeyahay Madaxweynayaashii ka Horeeyey.Malaha Waxbaaba Kaga Duulay. Waayo kuu La Jiray iyo Kuu kasoo Horjeedayba. Mid Aanu Hagardaamo Kula kicin Ma Jirin. Waxaan leeyahay bal iyagana ha looga Soo Duceeyo. “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here