Xildhibaan Xuseen Oo Sheegay In Xukuumadu Ka Warwareegayso Fulinta Go’aankii Ergada

0
656

 

 

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Dastuurka iyo Xeerarka dalku u yaala, oo aanay ciddina ku xad gudubin.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumaddu u muuqato in aanay ku qanacsanayn go’aamada laga soo saaray khilaafkii Doorashada muddada dheer ka taagnaa, ee Xisbiyada Mucaaradku soo dhaweeyeen, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xeerarka  aynu dhiganay iyo Dastuurka in aan lagu takrifalin,oo aan lagu xad gudubin weeye, waa in  si salmiya oo aan dhib iyo buuq ku jirin u soo bandhignaa khalad kasta oo lagu kacayo, iyo ku takrifalka Dastuurka, Dawladda ahaato ama cid kasta ah ahaate, ciddina sharci uma laha in Dastuurka dalka lagu xad gudubo oo awood la adeegsado, Shacabkuna waxay xaq u leeyihiin in wax kasta oo khaldan oo xad gudub ah ay dareenkooda ka muujiyaan, iyagoo u sii maraya Xisbiyada iyo walibana firkooda soo bandhigaya, Xisbiyaduna waa Mikirifoonka Shacabka, sidaas darteed Xukuumad, Xisbiyo iyo Shacaba waxaa ku waajib ah inay ilaaliyaan Dastuurka oo aanay ciddina awood gaar ah adeegsan”.

Mar uu ka hadlaayey khilaafka Doorashada ee laga heshiiyey ayaa yidhi “Labada Xisbi Mucaarad go’aanka laga gaadhay Komishanka cusub wey soo dhaweeyeen, laakiin Xukuumaddu waxay u muuqata inay ka cago jiidayso go’aankaas, wax kasta oo lagu heshiiyeena waxaa wanaagsan in daacad laga noqdo oo la fuliyo waxa lagu heshiiyey”

Mar uu ka hadlaayey heshiiska labada Beelood ee Ceel-afweyn ayaa yidhi “Labada Beelood ee wada dega Ceel-afweyn, iyaga ayaa iskooda u heshiiyey, Dawladduna markhaati ayey ka ahayd, ee ALLE heshiiskooda ha ugu awooda, oo labada Beeloodba ha ixtiraaman heshiiskaas oo ha ka dheeradan aano iyo cadawaad dambe oo dhexdooda ka dhacda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here