Mudaharaad Xadhiga Ramaax Lagaga Soo Horjeedo Oo Sheekh ka Dhacay Iyo Xisbiyada Mucaaradka  Ah Oo Ku Timaamay Xadhiga ‘Abuuritaanka Khilaaf Cusub’ Reer Sheekh Oo Mudaharaad Kaga Falceliyay Xadhiga Ramaax

0
767

 

Hargeysa(Geeska)-Mudaharaad lagaga soo horjeedo xadhiga xoghayaha arimaha gudaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid  Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa ka dhacay magaalada Sheekh oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo.

Siyaasi Ramaax ayaa ciidanka boolisku uu u  sheegay inuu soo dacweeyay guddoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo la sheegay inuu Ramaax ku dhaliilay inuu xidhiidh la leeyahay dad Somaliland cadow ku ah.

Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa dhankiisa canbaareeyay xadhiga xoghayahooda arimaha gudaha waxaanuu ugu baaqay xukuumada in sida ugu dhakhsaha badan loo sii daayo siyaasigan ciidanka boolisku uu u taxaabay xarunta CID-da.

Xoghaye Ramaax oo warbaahita la hadlay intaan la xidhin ka hor waxa uu waaranka lagu xidhaayo uu ka yidhi“ Socodbaan ahay 100 talaabo ayay inoo jirtaa xarunta CID  waanaynu tagi doonaa  waxaan diiday in gurigayga laygu soo diro askar  iyo in layidhaahdo meel halaga soo qabto, saaka isagaa cadeeyay madaxweynuu in waarankaasi jiro,Muuse Biixi hanjabaadiisa dalka looga tagi maayo halkan waxa hore uga dhacday  aniga oo aan cabanayn oo Ramaax ah oo xabadaydiina gaadhiga iigu jirto ayaa uu walaalkii iigu hanjaby inuu idili doono laakiin waxba lamuu soo bixin horena umaan sheegin ragbaana markhaati ka ahaa, waxaan u qarinaayay inan yar oo walaalkii soo diray ayaan u arkaayay.”

Afhayeenka ciidanka booliska Faysal Xiis ayaa dhankiisa sheegay sabaabta ay ku xidheen Ramaax  “ Maxmauud Cali Ramaax ciidanka booliska ayaa soo xidhay  waxa lagu eedaynayaa inuu aflagaado iyo ceebayn u gaystay  guddoomiyaha baarlamaanka JSL, waxa uu yidhi guddoomiyaha baarlamaanku waxa uu xidhiidh la leeyahay dad cadow ku ah dalka taasina waa fal danbiyeed, guddoomiyahuna taas ayuu ka soo dacwooday isaga oo shaqsi ah ayuu soo dacwooday ciidanku waa baadhay markii kiisii ku cadaadayna waxa uu ciidanku uu doonay in loo soo qaado warqada qabashada, tibaana lagu soo qabtay.”

Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa xadhiga Ramaax ku tilmaamay siyaasad dalka buuq lagaga Abuurayo“ Waxa muuqata waji ka Baashe loo sibir saarayo in meesha uu  ka muuqdo, xadhiga Ramaax  waxaan u arkayaa waa xadhig siyaasi ah, hadaan sharciga dub ugu soo noqdo markaan leeyahay xadhig siyaasi ah waxa uu yidhi waxaanu ku soo qabanay waaran, waxay muwaaniniintu marayaan sidii neef xoolo ah inta suuqa laga qabsado in hadhowna layska sii daayo, dayr ay dulmiga ka galaan oo garsoor ahna ma jiro, aniga oo afhayeen xisbi ah iyo xoghayihii xisbigaba inta nala qabtay ayaa toban casho meel nalagu hayay oo nala sii daayay.mudo ayaanu aamusnayan  waxaanu la aamusnayan gudi ayaa na dhex gashay  qolada xukuumada iyo xisbiyada  waxa la yidhi waxii dhaawac keenaya halaga dheeraado gudidaasina gudi sharaf leh oo Somaliland isku xilqaantay oo culimo iyo abwaanaba lahayd ayay ahayd abaal iyo ogaalna  waan u haynaa  anagoo tii ku joogna waxa waxii burinaaya qoladii xukuumada Ramaax ayaa layska soo xidhay waa si aragtidu u leexado oo waji kale loo galo, aragti doorasho ayaa taagan oo dalkani waxa uu u baahan yahay doorasho uma baahan xadhig Ramaax iyo xabadayn muwaadin.”

Musharaxii madaxweyne ku xigeen ee xisbig mucaaradka ah ee Ucid Axmed Cabdi Muuse Abyan  ayaa dhankiisa xadhigaas canbaareeyay“ Waan cabaaraynaynaa xoghayihii arimaha gudaha ee xisbiga Ucid  Md.Ramaax, arintaas uma aragno xadhig sharci ah ee waxaan u aragnaa xadhig cadho ku yimi, waxaanan jeclayn aad ku hadashay  awoodna waxaanu u leenahay inaanu ku xidhno, xadhiguna waa uu dhamaanayaa waxa hadhayaa waa magac xumada .”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here