Siyaasi Geeljire Oo Bulshada Sool Iyo Sanaag Ugu Baaqay Inay Kaadhadhka Qaataan

0
646

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), kana tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Golaha Wakiilada, ee salka ku haya xilka Guddoomiyenimo.

 

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay loolanka Xisbiyada, waxaanu kula taliyey Xisbiyada inay ku eekadan wacyigelinta kaadh qaadashada ee dadweynaha, nabadana ay ilaaliyaan, waxaanu Dadweynaha degan Gobolada Sool iyo Sanaag ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursada oo ay kaadhadhka qaataan, si ay Doorashada codkooda u dhibtaan, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay khilaafka Golaha Wakiilada“Wixii ay Golaha Wakiiladu ku dhamaysanayaan khilaafka waanu taageersan nahay, ama Guddi ha ahaado ama nidaam kale oo la raacayo ha ahaate, wixii wanaag inoo hogaaminaya waanu soo dhaweeynayaa, waana taageerayaa”.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Kalluumaysiga oo aanu wax ka weydiinay aragtidiisa ku saabsan loolanka Xisbiyada ayaa yidhi “Anigu Xisbi baan ahay, balse waxaan leeyahay Xisbiyada ha lagu eekaado kaadhadhka, oo dadka ha lagu dhiirigeliyo inay kaadhadhka qaatan, oo ha ka qayb qaatan Xisbiyadu wacyigelinta kaadh qaadashada, oo si nabadgalyo ah hawsha ha loo wado, haddii ay tahay gaadiid la fuulayo, haddii ay tahay waddooyinka la marayo, haddii ay tahay dad is dhex galaya iyo isku imaatinka dadka, oo si nabad qaba oo bad qaba ha loo wado hawlaha”.

Mar uu baaq u diraayey dadweynaha degan Gobolada Sool iyo Sanaag ee kaadh qaadashada ayaa yidhi “Labadan Gobol ee Sool iyo Sanaag, waa markii ugu horeeysay ee dadkoodii ka maqnaa ay si toos ah uga qayb galaan, gaar ahaan intooda badan, markaas dadkooda is diiwaangeliyey ha qaatan kaadhadhka, oo yaanu seegin kaadhku iyo Doorashada ay xaqa u leeyihiin inay coddeyaan”.