“Waa In Cadaalada La Ilaaliyo, Oo Sida Ugu Haboon Khilaafka Golaha Wakiilada Loo Dhameeyo”Xasan Muuse Huufane

0
589

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xasan Muuse Huufane, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ee iska casilay xubinimadii iyo Golihii dhexe ee Xisbiga Kulmiye,  ayaa ka hadlay Guddida labada dhinaca ee Baashe iyo Cabdiraxmaan Talyanle, ee la sheegay inay xal ka gaadhi doonaan khilaafkan ka dhex taagan, waxaanu ku taliyey in mar walba cadaalada la ilaaliyo, oo sida ugu haboon xal loo gaadho.

Xildhibaan Xasan Muuse Huufane, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Anagoo 39 Xildhibaan ah oo iskugu jirna Waddani iyo Kulmiye ayaa u coddeynay Cabdiraxmaan Talyanle, halka ay 38 Xildhibaana u coddeeyeen Baashe, sidaas oo ay tahay is daba marin baa dhacday,  Cabdiraxmaan Talyanle ayaana ku guulaystay jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, walibana si xalaal ah ugu guulaystayna waanu caddaynaynaa, sababta aniga iyo Xildhibaano kale nagu kaliftay in aanu iska casilano Kulmiyena waxa ka mid ah in si  cad loo dafiro xaqiiqada, oo la iska indho tiro coddeyntii Golaha ka dhacday, lagana been sheego codkaygii”.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo ka hadlaya Guddida arintan loo xilsaarayo ayaa yidhi “Mar haddii Maxkamadii sare ay dib u soo celisay Dacwada, dibna ugu soo celisay Golihii Wakiilada, isla markaana lagu taliyey in laba dhinacba Guddi dhamaysa loo xilsaaro, waxaan ku baaqayaa in cadaalada la ilaaliyo, oo sida ugu haboon khilaafka Wakiilada loo dhamayo, xaqiiqadana aan laga tagin”.