Siyaasi Cabdillaahi-jawaan Oo Ka Hadlay Kulan Diimeed Hargeysa lagu Soo Gunaanaday

0
715

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa ka hadlay kulan diimeedkii, Casharadii iyo muxaradooriyiinkii kala duwanaa ee Culimada Soomaalidu ku qabteen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi ugu mahadceliyey maamuska iyo soo dhaweyntu u sameeyey Culimada.

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay inay Hargeysi caan ku tahay dhaqanka, fanka iyo suugaanta balse ay kaga sii caansan tahay, balse ay kaga sii caansan tahay dhinaca diinta islaamka, isagoo ka xog waramay Culimadii waaweynaa ee sabab u noqday inay dadka baraan diinta iyo quraanka, isla markaana ay iyagu sabab u ahaayeen in Hargeysa la iskugu yimaado, oo ay dadku wada dagaan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay kulanka Culimada “Waa inoo sharaf, waa inoo ixtiraam, waa inoo gobonimo waa inuu maamus in Caasimadda Somaliland ee Magaalada Hargeysa ay iskugu yimaadaan Culimadeena waaweyn ee Somalidu, iyagoo Culimadeenana inooga kala timid deegaanada kala duwan ee ay Somaliland degto, runtii waxaan ILLAAHAY uga baryaa inuu xasaanadka ugu daro, khayr iyo ajarna ka siiyo Culimada Muxaadirooyinkii kala qiimaha badnaa, Casharadii qiimaha badnaa,wacdigii,wacyigelintii, waanadii iyo dhiirigelintii ay inoo soo jeediyeen, ee ku saabsanaa diinteena, Culimadana waxay deeganada kala duwan ee Somalida uga yimaadeen ama dalalka kala duwan ee Caalamka ugu soo kicitimeen waa baraarujin aynu isku baraaruujino diinteena, inaynu khayrka is farno, xumahana iska reebno, waxaan kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa Ganacstada, Dhalinyarada iyo cid kalista oo qayb ka ahayd Kulamada ay Culimadu iskiugu timid ee ay dadka uga faa’iidaynaysay, waxaan kale oo aan u mahadnaqaayaa Madax-dhaqameedkii ka soo qayb gashay Kulan diimeedkan, gaar ahaan  Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool garaad wiilwaal iyo Garaad Cali, waxaana leeyahay wanaaga iyo khayrkaas aad u socoteen ALLE ajar ha idinka siiyo”.

Mar uu ka hadlaayey Kulankan Culimada iyo qaabku uga qabsoomay Somaliland wuxuu yidhi “Somaliland ahaan waxaynu nahay dal nabdoon, oo amaankiisa iyo xasiloonidiisu sugan yihiin, ILLAAHAY ayaana uga mahadnaqaaynaa, qaabka wacan ee Kulan diimeedka culimadu u dhacayna waxaa doorka ugu mudan ka qaatay oo aynu uga mahadnaqaynaa Xukuumadda dalka ka talisa, gaar ahaan  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo iyagu xil iyo masuuliyad dheeraad ah iska saaray, waana ALLE mahadii in shirkaasi inoogu furmo si xasiloon, inoogu soo xidhmana si xasiloon”.

 Mar uu ka hadlaayey qaabku Madaxweynuhu u qaabilay Culimada wuxuu yidhi “Madaxweynuhu   sida milgaha iyo maamuska leh ee uu ku qaabilay Culimada waaweyn ee Somalida waan ku bogaadinayaa, oo waan uga mahadnaqayaa, ducadaas loo duceeyey Somalida iyo dhammaan dadkeena Muslimiinta ah ILLAAHAY ha inaga aqbalo, hana inoo rumeeyo, waxaana ku rajo weyn nahay in dardaarankii iyo tallooyinkii kala duwanaa ee Madaxweynaha iyo Culimadeenu is weydaarsadeen inay fuli doonaan oo la hirgalin doono”.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa sheegay inay  dad badan  u haystaan inay Hargeysi tahay xarunta Dhaqanka, Sugaanta iyo Fanka, marka loo eego deegaanada kala duwan ee Somalida, balse sidoo kale ay tahay xarun iyo magaalo ay aasaaskeeda iyo dhismaheeda ay lahaayeen Culimo, isagoo tilmaamay in xarunta Diinta islaamka ee Geeska Afrika ay ahaan jirtay Herer, waliba Culimadii wakhtigaas Herer joogay ay ahaayeen Culimo Somali ah, waxaanu sheegay in Culimada sababta u noqday inay Hargeysi dhisato isla markaana la dego ay ahaayeen Culimada ay ka mid yihiin Sheekh Madar iyo Xaaji Faarax, waxaa kale oo uu xusay Cabdilaahi Jawaan in Awoowgii Xaaji Cumar inuu isna qayb libaax leh ka qaatay inuu dadka baro quraanka iyo culuunta diinta islaamka, waxaanu sheegay in Culimadan iyo Culimo kaleba ay tacab, juhdi iyo dadaal diinta ay galiyeen isla markaana ay iyagu sabab u noqdeen inay Hargeysi dhisato, noqotona goob lagu soo hirto, waxaanu tilmaamay iin goobtii ugu horeeysay ee ay Hargeysi ka soo aasaasto ay ahayd Jameeco Weyn,waxaanu ALLE uga baryey Culimadan iyo dhammaan umadda islaamka ee geeriyootay inuu u naxariisto, janadana ka waraabiyo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office