Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sheegay In 60% Dadka Somaliland Faqriga Kaga Bixi Karaan Zakada Oo Si Wanaagsan Loo Maamulo

0
678

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Zakada oo si wanaagsan loo ururiyo loona qaybiyaa ay 60% Faqriga ka saari karto Shacabka Somaliland.

Madaxweyne Biixi oo Shalay hadal ka jeediyey kulan uu la yeeshay Culimo Hargeysa ku qabatay kulan diimeed muhiim ahaa, ayaa sheegay in Culimada looga baahan yahay inay doorkooda qaataan oo ay ka shaqeeyaan sidii Dadka looga saari lahaa Farqiga iyo dhibaatooyinka nololeed ee ragaadiyey, iyada oo la adeegsanayo Zakada ku waajibtay Dadka wax haysta oo si wanaagsan loo ururiyo, looguna qaybiyo Dadka u baahan.

Madaxweynaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Faqriga Soomaali wada gaadhay cidda ka saari karta ee Masuuliyaddaasi saaran tahay waa Culimada, haddii Zakada Culimadu Maamusho, Zakada Somaliland waxaanu u dhiibnay Sheekha Diinta (Wasiirka Diinta), waa Dastuuri, waanu fulinay oo Culimada ayaa loo dhiibay, Qof kasta waa a Raalli in Zakadii la ururiyo, Aniga oo Madaxweynaha ah ka bilow oo Dadkeena Dayacan lagu daryeelo, waana ta Qudha ee lagaga bixi karo dhibaatooyinka.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan Gacan shisheeye waxba ka tari karin Baahiyaha haysta Soomaalida, gaar ahaana reer Somaliland “Gacan Bani-aadam oo wax Kiniisado ka soo ururiyey na anfici maayaan, Soomaalina Anfici maayaan, 30 sano ayaanu wadnay, weli meel ay khayr ka keeneen lama arag.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan idinka codsanayaa Magaalo iyo deegaan walba Zakadeedu way ku filan tahaye hala ururiyo, sidii Islaamku sheegayna ha loo qaybiyo. Waxaan is leeyahay Somaliland Gobol walba iyo degmo Walba Zakadu way ka saari kartaa 60% Faqriga haya..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office