Siyaasada Iyo Ciyaaruhu Waa Laba Aan Isqaban

9
772

Picture1Warbaahinta mareegta Hadhwanaag ayaan isha ku dhuftay, Baaq ay kooxda kubada cagta ee gobolka togdheer cod dheer ku soo gudbinayaan “ Waxaan kalsoonidii kala noqonay labada Xildhibaan oo ay carabaabeen in ay isku jufo yihiin” arinta oo aan ka biyo diiday ayaan doonayaa in aan dhalintaa aanu isku bahda nahay aan u caqli celiyo.

Marka hore hadaad maqasho Xildhibaan, waxaad ogaataa in uu codka bulsho waynta gobolka uu golaha ku fadhiyo sidaasna lagu soo doortay yahayna mid ka mid ah astaamaha dawladnimo.

Sifada uu xildhibaanimada uu ku waayo karo waxa si cad u qoraya distoorkeena iyo xeerka baarlamanka u yaala. Xildhibaanadu waxay inaga mudan yihiin qadarin la mid ah ta aynu u hayno madaxda dalka ee aynu dooranay, waxay meesha ku joogaan waa Cod shacab wayne ee ma aha cod dad gaar ah ama jufo gaar ah wayna ka duwan yihiin shaqsi inta manta digreeto lagu magacaabay hada bari xilka laga qaadi karo qaabkii ay doonto ha loo magacaabo ama ha looga qaadba’e.

Xildhibaanadu waxay ku yimaadeen cod la mid ah ka madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka aan ku dooranay ee aan kalsoonida ku siinay. Aynu kala saarno siyaadada iyo arimaha bulshada oo ayaynaan noqon dameeri dhaan raacday.

Ciyaaruhu waxay ahaan jireen wax ka fog siyaasada , waana hubka kaliya ee lagula dagaalami karo qabyaalada, isku soo dhawayna bulshada dhexdeeda looga aburi karo iyo walaalayn iskuna soo dhawayso bulshadaas gobalka ku wada nool.

Waxaan leeyahay arintaas ka fiirsada walaalahayga magacii Ciyaartoy ee Gobolka Togdheer oo dhan kaligood dusha u ritay, Saaxiibayaal  waxaan ka jidhdiiday maadaama oo aynu isku nahay Bahdii ciyaaraha in aad isku xulufaysataan idinka oo magaca Ciyaaryaha ku hadlaya in aad iyadoo aan  ciyaartoyda laga ogalayn in uu siyaasad galo amase aad kala xigtaysataan oo aad qabyaalad ku raacdaan cid gaar ah. Dhamaan xildhibaanadu way inoo siman yihiin, iska hubsada Xildhibaanada mid waxtar ama waxyeelo idiinku maqan.

Hadiise magaca ciyaartoyda Gobolka togdheer ee aanu isku bahda nahay cid aan ciyaartoy ahayni ay doonayso in ay magacii Gobolka iyo sumcadiisii dulka jiidjiido iyaga oo dangaar ah ka leh, waxaan ku talin lahaa inaad cidaas iska qabataan oo aan magaciina iyo kan gobolkba aad difaacataan.

Tartanadii Ciyaaraha gobolada ee ugu danbeeyay ayaanba siyaasadi ka maqnayn oo waad ogaydeen oo waa la siyaasadeeyey walina maynaan ka soo kaban. Qaabkasta oo goboladu tartankaas uga soo qayb galeen amase lagu soo xulay aynu wada ogayn, ha u horayso tii Gobolka Togdheer iyo qaabkii aad ku timaadeen’e

Arinta ha inagu soo faqina oo ciyaarahana ha inaga siyaasadaynina oo aynu kala garono halka aynu marayno, bahwalba bahdeed goob waliba goobteed, waxaynu u baahanahay in  aynu u fikirno hadaynu nahay bahdii Ciyaaraha qaabka duwan qaabka aynu hada nahay. Aynu iswaydiino manta Ciyaareheeniii halkay marayaan, waad ogtihiinoo Muqdisho oo ilaa hada burbursan ayaa garoonkeedii Doog yaalaa. Maxaa inoo diiday in ayni Ciyaareena hour marsano aynu qolooyinkaas kale u dayno loolankooda ah kusaarta ay danahooda gaarka ah ku wataa cid ay u daneeynayaan ma jiro oo lafahooda ayay la cararayaane.

 

Comments are closed.