Dawladda Somaliya Oo Joojisay Filim Ay Sangub Iyo Saado Cali Abaabuleen

18
801

Picture2Muqdisho(Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa gebi ahaanba joojisay filim uu sameeyay Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Sangub oo ay kaalinta koowaad jilidiisa kaga jirto fanaanada Saado Cali Warsame oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.

Filimkaas oo lagu magacaabo Umad wada siyaasi ah sidee loo dhaqaayaa, waxa xayaysiiskiisa muddooyinkii u dambeeyay laga baahinayay telefishanka ay maamusho dawladda Somaliya. Filimkan ayaa si dad’ban waxa loogu aflaagadaynayaa jabhadihii riday dawladii Maxamed Siyaad Barre oo uu Sangub si weyn u taageeri jiray, waxaana jabhadahaas ka mid ahaa SNM, SSDF iyo USC.

Sida ay warbaahinta Muqdisho baahisay dawladda Somaliya ayaa filimkaas ku tilmaantay mid aan la jaanqaadi Karin wadciga siyaasiga ah ee ay Somaliya marayso islamarkaana uu horseedyo iska horimaadyo iyo dagaalo beeleed, waxaana sida uu warku sheegay amarka joojinta filimkaas bixiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Filimka oo uu muddooyinkii u dambeeyay guuxiisa lagaga soo horjeedaa ku fidayay magaalada Muqdisho, waxa abaabulkiisa isna gacan ku lahaa wasiirka isgaadhsiinta Somaliya oo ay Sangub isku beel ka soo jeedaan islamarkaana ka tirsanaa talisyadii ciidamadii Siyaad Barre ee gobalka Togdheer.

Sangub ayaan weli ka hadal talaabada filimkaas lagu joojiyay, waxaana la sheegay inuu ku hawlanyahay inuu meesha ka saaro waxyaabaha dareenada abuuray ee filimkaas ku jira.

 

Comments are closed.