Siyaad Waa 11 Jir Naafo Ka Ah Gacmaha Iyo Lugaha, Laakiin Waxa Uu Samaystay Hab Ka Caawinaya Cunista Cuntada Iyo Waxbarashada

0
135

Qaahira (Geeska)- Siyaad Muxamed Axmed, waa 11 sano jir u dhashay dalka Masar oo muuqaalkiisa naafonimo iyo xaaladda nololeed ee ay ku jiraan caloosha wareejinayso ruux kasta oo damiir leh, laakiin waxaa farxad leh hal-adaygga iyo geesinimada uu ku waajahay xaaladdiisa isaga oo adeegsanaya hab aan tiknoolajiyadda iyo cilmiga dunida maanta buuxiyey waafaqsanayn.

Siyaad oo ku dhashay tuule yar oo ka mid ah degmada Sharqiya ee dalka Masar, waxa uu ku dhashay waaxyo la’aan, aanu abuur ahaanba lahayn gacmaha iyo lugaha, haddana maanta cuntada waa uu cuni karaa, waxna waa uu cabbaa iyada oo aanay cidi caawin, xitaa waxxbuu qori karaa, waxa aana taas mahaddeeda Eebe ka sokow iska leh aabihii oo ah shaqaale hoosaad faqiir ah oo wiilkiisan uu u waayey dhaqaale uu ku geeyo dhakhaatiir u ikhtiraacay hab uu awoodi karo oo ilmaha u suurtogeliya in uu noloshiisa in uun sii wadan karo. Waxa uu u sameeyey qalab aynu odhan karno waa gacmihiisa oo caagado sharaabka soodhaha leh laga cabbo.

Maxamed Axmed o ah aabaha maskaxda badan ee wiilkan dhalay oo la hadlay shabakadda Al-Carabiya ee uu Geeska Afrika ka soo xigtay warkan uu turjumay, ayaa sheegay in uu leeyahay saddex wiil oo midka ugu weyn da’diisu 14 sao jir tahay, ka labaad oo Siyaad ahina uu jiray 11 gu’ halka kan ugu yarna ay da’diisu 5 sano tahay.

Isaga oo ka warramaya wiilkiisan naafada ah waxa uu Maxamed sheegay in Siyaad uu ku soo dhashay naafonimada, dhakhaatiirtii uu u geeyeyna ay u sheegeen in xaaladdan wiilkiisu ay tahay mid dhif ku ah dunida laakiin la’ arko, dhibaato kale oo caafimaadna aanay wehelin ee uu qofku sidaas ku noolaanayo, haddii cimri ku simo. Waxa uu sheegay in dhakhaatiirta Masar ay u sheegeen in xaaladda wiilkiisa aanay iyaga iyo inta badan ee dhakhaatiirta duniduba waxba ka qaban karin, marka laga reebo afar dal oo ah, Jarmalka, Maraykanka, Ustareeliya iyo Faransiiska. Waxa ay dhakhaatiirtu u sheegeen in dalalkani ay farsamo iyo aqoon ahaan gaadheen heer ay dadka xaaladdoodu sidan tahay ku rakibi karaan qalab u buuxiya kaalinta waaxyaha maqan.

Sida uu aabahani sheegay markii uu waraystay kharashka ay hawshaasi ku kici karto waxa uu ogaaday in ay noqonayso 3 Milyan oo lacagta Giniga ee dalka Masar ah, lacagtaas oo u dhiganta illaa 150 kun oo doolarka Maraykanka ah.

Aabe Maxamed waxa uu sheegay in markii uu arkay in kharashkaasi yahay mid aanu bixin karin, isaga oo soo saari kari la’ wax ku filan nolol maalmeedka caadiga ah ee qoyskiisa, in uu ka fikiray hab kale oo wiilkiisan si uun uga yara caawiya in uu nolosha sii wadan karo. “Bilowgii aniga ayaa cuntada iyo cabbitaanka afka u gelin jiray. Laakiin markii dambe waa ay suurtogeli wayday, oo aniguna saacado badan oo maalintii ah ayaa aan shaqada ku maqnaadaa, xaaskayguna hawlaha guriga ee aadka u badan iyo cunto diyaarinta ayaaba ka bata oo dhib ayaa ay ku noqotay” Aabahan oo ka warramaya qisada dareenka taabanaysaa waxa uu intaas ku sii daray, “Siyaad waxaa ku sii kordhay calool xumada uu ka qabo in uu awoodi kari waayey in uu naftiisa biyaha ka dhergin kari waayo, arrintaas oo calool xumo badan igu beertay” Aabe Maxamed waxa uu sheegay in aakhirkii uu helay fikirkan ah in uu wiilkiisa sameeyo caaggan uu gacanta ka dhiganayo oo waxoogaa ka caawiyey cunto cunista, qoraalka iyo in uu kaadida kelidii iska dhiqi karo.

Aabe Maxamed oo faahfaahinaya sida uu farsamadan u sameeyey ayaa yidhi, “Waxa aan soo qaatay caagadaha sharaabka soodhaha leh laga cabbo, ka dib intii yarayd ee ka hadhsanayd gacanta Siyaad oo xagga dambe ah ayaa aan dhex geliyey oo ku adkeedyey. Si tartiib ah ayaanu maalinba maalinta ka dambaysa Siyaad ula qabsaday in uu caaggan ka dhigto gacan macmal ah oo ka caawisa cuntada iyo qoraalka marka uu seexanayana waa aan ka saaraa” ayaa uu yidhi isaga oo intaas ku daray, “Afka hore ee caagaddan ayaa aan ka sameeyey dillaacyo iyo dalool la gelin karo qalinka iyo malqacadda, hadba ka uu isticmaalayo”

Waxaa farxad ah in Siyaad uu hadda dhigto fasalka labaad ee dugsiga, in kasta oo uu marayo da’dii uu noqon lahaa fasalka Shanaad, laakiin hadalka oo aad uga dib dhacay, oo kelmadaha qaar aanu ku dhawaaqi kari jirin, iyo waaxyihiisa maqan ayaa sabab u noqday in goor dambe dugsiga la qoro. “Siyaad waxbarashada aad ayaa uu u jecel yahay, fahamkiisa iyo garaadkiisuna aad ayaa ay u fiican yihiin” ayaa uu yidhi aabahan oo ku ducaystay in uu maalin uun arko wiilkiisa oo helay qalab u fududeeya socodka iyo in uu nolol maalmeedkiisa si caadiya u wato.