London (Geeska)- Sidee aad kaga adkaan kartaa warwarka iyo culayska nafsiga ah:
Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay waxa ay intaas ku daraysaa in sababaha keena warwarka ee aynu hore u soo sheegnay ay dheer tahay in qofka oo buuxin kari waaya waqtiga hawlqabasho ee u yaalla, sida ballanta laga rabo in uu shaqo ku dhammeeyaa ay ku beerto warwarka iyo culays nafsi ah, sidoo kale arrimaha la xidhiidha waddo-marista iyo saxmadda shaaracyada, caafimaadka, iyo guud ahaan duruufaha nololeed ee qofka kelidii ama qoyskiisa soo waajahaa, miisaanka qofka oo aad u kordha iyo deynta oo uu qofku iska bixin kari waayaa ay dhammaan sababaan warwar iyo culays nafsi ah.
Haddaba qaybtan waxa aynu ku eegaynaa hababka uu qofku kaga guulaysan karo sakatiga, iyo qulubka dad badan ku dhaca, in kasta oo sababihiisu ay kala duwan yihiin:
– Baydad gabay, maanso, hees amah al-ku-dheg uun suugaaneed ah oo uu qofku ku celceliyo mar kasta oo uu dareemo in maskaxdiisu firaaqo tahay, ayaa ay khubarada cilmiga bulshadu aminsan yihiin in ay yarayso culayska iyo diiqadda nafsiga ah.
– Haddii aad ku shaqayso xafiis saxmad leh oo dad badani kula wadaagaan, samayso sameecad aad dhegaha gashato oo wax ku dhegeysato, si ay kaaga xidho buuqa iyo sawaxanka oo inta badan caqabad ku noqda u fiirsiga iyo dhugmada qofka.
– Shaqo wadaag uu qofku sameeyo iyo in uu jaalkiisa xidhiidh shaqo oo fiican la yeeshaa waxa ay caawisaa in uu ka yaraado isku buuqa iyo qulubka ka dhasha shaqada badan.
– Cunto karintu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha maskaxda qofka ku abuura firfircoonaanta, ee jidhka iyo maskaxda u horseeda firfircoonaan iyo nafis noqosho.
– Rayiislaha ama koofeerka oo la tagaa waxa ay ka mid tahay arrimaha qofka ka khafiifiya qulubka iyo culayska nafsiga ah, sidoo kale in qofku uu raadsado dadka aanay aadka u kulmin si ay u sheekaystaan ayaa ka mid mid ah arrimahaas.
– Is-dhalleecaynta inta badan qofku naftiisak u haaraamo ama ku hiifo marka uu arko in aanay lahayn kartidii ama aqoontii ama xitaa dhaqaalihii uu u baahnaa in uu noloshiisa ku qurxiyo, ayaa ka mid ah sababaha keena qulubka, Haddaba waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofku aan naftiisa isu dhegeysa, oo aanu maqli codka inta bada kelidii uu maqlayo ee gudihiisa ka soo baxaya ee qoomamada, ciilka, gartanka kelida ah iyo canaanta badan u sida, mar kasta iyo duruuf kasta waa in uu ku qaabilaa niyadsamaan, iyo in uu ogaado ceeb kasta oo uu leeyahay in ay tahay ceeb dad badan oo kale oo guul xitaa gaadhay ay leeyihiin ama hore u lahaayeen oo ay ka adkaadeen.
– Faa’idaysiga saxda ah ee waqtiga: I qofku uu waqtigiisa nidaamiya, sida ugu habboonna uga faa’idaystaa waxa ay ka mid tahay hababka uu kaga takhalusi karoo sakagtiga, iyo isku buuqa ka dhasha dhamaystir la’aanta waajibaadkiisa iyo hawlaha laga sugayo waqtiyada go’an.
– Ka fogaanshiyaha daalka nafsiga ah ee inta badan ka dhasha shaqada waqtiga badan ayaa qofka ku keena niyad jab iyo qulub, sidoo kale waxa uu keenaa warwar iyo culays badan oo nafsi ah.
– Ka fogaanshiyaha waxyaabaha warwarka iyo sakatiga keena ayaa iyagua ka mid ah sababaha qofku kaga dheeraan karo xaaladahan nafsiga ah, tusaale ahaan waa in uu ku dadaalo isu dheelli-tirka arrimihiisa, iyo I uu ka dheeraado waxyaabaha qofka ku keenaya sakatiga.
– Neefsiga; in qofku neef fog / dheer qaato oo sambabada uu ka buuxiyo hawo, kadibna si habsami ah u soo buufiya waxa ay ka mid tahay hababka ugu habboon ee qofku ku yarayn karo sakatiga iyo xaaladaha nafsiga ah.