Sirta Nolosha: Maaddo La Ogaaday In Ay Cimridegdegga La Dagaallanto Iyo Sida Loo Heli Karo

24
4488

Washington (Geeska)- Saynisyahanno u dhashay dalka Maraykanka ayaa cilmibaadhis ay sameeyeen ku ogaaday natiijo ay ku tilmaameen mid ka mid ah siraha ugu muhiimsan nolosha. Saynisyahannadu waxa ay sheegeen in unugyada masuulka ka ah gabowga oo hore loo ogaa in haddii la helo hab loo xakameeyo ay suurtagelinayso in qofku muddo dheer dhalinyaro u ekaado, calaamadaha gabowguna ka dib dhacaan.

Xeeldheereyaal ka tirsan maxadka cilmibaadhista ee Scripps oo kaashanaya dhiggooda xarunta Mayo Clinic ayaa ku guulaystay in ay aqoonsadaan curiye ku jira guud ahaanba noocyada khudradda oo ah curiyaha midabka u keenaa in uu sida oo kalana ka shaqeeyo yaraynta gabowga unugyada iyo tirtiridda calaamadaha uu jidhka qofka ku sameeyo.

Curiyahan oo lagu magacaabo ‘Fisetin’ ayaa baadhistii lagu sameeyey lagu ogaaday in uu ugu yaraan boqolkiiba 10 kordhiyo cimriga aadamiga, iyo in uu yareeyo calaamadaha gabowga ee laga yaabo in dadka qaar ay ka soo ifbaxaan iyaga oo aan weli gaadhin da’dii laga filayey.

Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda Newsweek ee dalka Maraykanka ka soo baxda ayaa lagu sheegay in saynisyahannadani ay marka hore baadhis ku samaynayeen unugada masuulka ka ah gabowga, waxa aanay ogaadeen in habdhiska difaaca jidhka ee qofku uu xilliga dhalinyaranimada awood u leeyahay in uu burburiyo gabowga, laakiin awooddaasi waa ay tagtaa marka uu qofku da’ gaadho.

Waxa kale oo ay daraasaddani ogaatay in unugyada gabowgu marka ay jidhka gudihiisa ku ururaan ay suurtagal tahay in uu sababo kaar, waxa aanay sii deysaa dheecaanno dhexgala nudaha, taas oo marka dambe jidhka ku keenta dhaawac iyo burbur.

Dr. Laura Niedrenhofer oo madax u ahayd xeeldheereyaasha cilmibaadhistan sameeyey, ayaa tidhi, “Waxa aanu raadinaynaa kiniinno ay suurtagal tahay in ay dilaan unugyadan dhibaatada keenaya, marka ay gaadhaan heer aad u sarreeya, sidaa awgeed ay sababayaan dhaawacyo caafimaad ama in jidhku sumoobo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here