Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) & Soomaaliga

0
933

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 3aad – England (UK)

Sawirkan ayey Masaaridii hore u adeegsan jireen inuu u taagan yahay xarafka G. Sawirku waxa uu u muuqaal eg yahay girgire. Saw, gire ama gure midkood maaha. Haddii hal dhawaaq laga dhigo waa gir ama gur. Bal eeg, ereyadan ku bilaabma xarafkan ee afkii hore ee Masaarida ah sida ay xeeldheerayaasha Khawaajaha ihi ay u micneeyeen:

Masaaridii Ingiriisi Somali
GH To remove to be empty Qax (Gah)
GHBWY: Dreary, wretched Qaxoobay
GHXW: Reset Gah/Xaw
GHSH: Mourning; grief Goohis – ha
GHT: Poverty Qaxoot (Gahoot)
GW:                 To destroy Gaw
GN:                            To abuse to harass Gooni (Gun)
GBGBT:                    Dead bodies Gagabat, Gebagebot
GNN:                        To faint Gunaan
GR, GRT:         But, moreover Gor/Goorta
GR:                           Fraud, deceit, treachery Gar
GR:                         To have, to hold, to posses Gaar
GR:                          To be silent Geeri
GS:                           Side, half, Gees

ISIR & ASAY: Isiris, Osiris, Ausiris, Asir. Intaasoo siyaabood ayey u qoreen Ilaah-ku-sheeg ay rummaysnaayeen Masaaridii hore, kaas oo ay u ku sunteen Ilaaha dunida labaad ama aakhiro oo ay Masaaridii hore aaminsanasyeen. Ilaahaas ay Khawaajayaashu siyaabaha kala gedisan magaciisa u qoreen, waxa Masaaridii hore uu u ahaa Ilaaha xisaabta aakhiro haya ee dadka u kala saara kuwa xun iyo kuwa wanaagsan ee kala abaalmariya.

Afka Masaaridii hore erayga; “IS” ama “AS” waa sida ay u qoreen xeel-dheerayaasha Khawaajayaashu waxa ay ku micneeyeen; “Xabbaal.” Saw markaas ma’aha ereyga Afka Soomaliga ee “AAS.” Ereygaas ilaa hadda loo adeegsado duugidda meydka. Waa yaab! Masaaridii hore iyana ereyga ayey adeegsan jireen kumaan kun sanno ka hor.

Ø  Dadku ma wada aasi jirin meydka,

Ø  Qaar dhirta ayey ku illaali jireen si haadka u feento ilaa maanta dad ayaa ku dhaqma caadadaas.

Ø  Qaar kale iyagu waaba cuni jireen meydkooda sida ilaa hadda ka dhacda meelo kooban.

Ø  Qolooyin kalena waa gubaan ilaa hadda.

Maasiiridii hore waxay rummaysnaayeen in nolol kale jirto oo meydku u guuro, sidaas darteed waxa lala aasi jiray wixii noloshaas uu ugu baahnaa oo tan uu ka dheelmaday la mid ah: sida Hub,Cunto iyo Wixii la mid ah. Sida loo kala kabaweyn yahay ayaa loo kala aas iyo xabbaal weynaa. Boqorada waxa loo dhisay buuraha lagu magcaabay Ahraamta ama Pyramids ee ilaa maanta duuleedka magaaala madaxda Masar ee Qaahira ka dhisan.

Waxa la yidhaahdaa in alla-ka-cabsiga iyo rummaynta xisaabta aakhiro ay ka dhalatay aragtida aasidda meydka. Haddii aan ku noqono magacii Ilaah-ku-sheegga ee Masaaridii hore, waxa uu noqonayaa ISIR kii la assay ee laga soo tafiirmay. Sheekadiisa khuraafaadka ah ee Masaaridii hore; ayaa waxay sheegayaa in walaalkii dilay oo aaasay, deeto ooridiisii ay dib u soo ururisay xubnihiisii oo uu dib u soo noolaaday kii la aasay.

Waxa kale oo ay sheegaysaa in wiilkiisii oo Khawaajayaashu magaciisa ku sheegeen Horus, kaas oo ah Hoori Ama Hoore ama Huruse-kii koowaad ama curadkiisii; ayaa u aargoday oo dilay kii dilay Aabbihii oo la odhan jiray Sado (Qansalay). Ooridiisa oo iyana Masaaridii hore u rummaysnaayeen Ilaahad waxa iyana Khawaajayaashu magaceeda u qoreen “ISIS” ISAYT” iyo siyaabo kale, waxase ay tahay ASAY. Taas oo micnaheedu yahay tii saygii laga aasay, Afka Ingiriiska; “Widow”.

Talyaani faashiistada ahaa ayaa webiga Shabeele ku qoday kanaalo rag badan oo Soomaali ihi ku dhinteen markii la qodayey. Waxa kanaalkii loo bixiyey ASAYLEH ama kii dumarka badani ku waayeen raggoodii oo ASAY qaateen ama noqdeen. Maxaa Boowe ku baxay! Bal adba sheeg?

Waxa Masaaridii hore rummaysnaayeen in aakhiro la is xisaabiyo oo Ilaaha Isir uu meydka xisaabiyo, marka ay ifka ka dheelmadaan. Aakhiro oo dhulka hoose ah oo Ilaaha Isir joogo waa sidaasay aaminsanaayeen, oo afkooda lagu odhan jiray; “Dwat.” Taasoo marka la codeeyo noqonayaa; “Doohat.” Awarka marka la joojinayo waxa loogu qayshaa; “Dooh, Dooh iyo Daah iyo Diih.” Waa isku mid oo waa; “D+H” marka loo tarjumo afka Ingiriiska micnaha waa; “Slow and stop moving.” Af-Soomaali ku noqonaysa; “Joogso.” Sidaas darteed, ereyga afkii hore ee Masaarida ee aakhiro iyo dhimashada kadib ee ay rummaysnaayeen, in meytida la geeyo ee ay marto waxay noqonaysaa; “DOOHID, DAAHID.” Waa meeshii lagu xisaabinyey ee lagu joojinayey ama iriddii socodka aakhiro.

Qofkii ku dhaca xisaabta aakhiro, cadaabta oo bahalo cunayaa ku jiraan ayey rummaysnaayeen inuu mutaysto. Qofkii ka gudba imtixaanku waxa uu mutaystaa inuu nolol dembe ku noolaado dhul webiyo iyo buuro leh oo wax weliba ka baxayaan oo Afkii Masaaridii hore lagu qori jiray; “S Kh T – AARU.”

Kh—-Q;   A—–H. Sidaas darteed  haddii la codeeyo oo shaqalo ama xarako la dhexgeliyo shibanayaasha, waxa uu magaco noqon karaa; “Saaq  Haro ama Horo.” Af-Soomaali micni leh ah; “Saaq Horo.” Fiiri, Saaqa waa magac Soomaalidu hadlaya u bixiso oo amaan ah, kaas oo saadaalinaya gabadhii la wada maqlaa ee quruxdeeda la wada jeclaaday. Geella waxa loogu heesaa:

Saliidda udgoon, waanna saaqday’eh,

Ma adigaa sita oo sibraha ku leh

Urtii habeedda ayaa na soo gaadhay oo faaftay. Sidoo kale, dadkii duray baa wada saaqay, ayaa la yidhaahdaa oo ku faafay oo wada gaadhay. Ereyga kale ee ku lammaan waa Horo ama Hore, kaas oo ah koowaad ama Afka Ingiriiska ku ah; “First.” Marka magaca janno ku sheega Masaaridii hore; SAAQAT HORO, waxa weeye Saaq Hore ama mid hore loo wada yiqiin.

Nolol labaad oo ta la yiqiin ah;

Ø  In ciddii xisaabta doohadka ku guulaystaa ay helaysaa;

Ø  In ciddii xisaabta doohadka ku dhacdaana nolol bahalo galeen ah ayey ku waaraysaa.

Michele Obama marwadii Madaxweynihii Maraykan ee Madoobaa oo ka yaabtay qayb bulshada caddaanka ah ka mid nacaybka ay u qabaan waxa laga hayaa; “When they go low we go high.” Kkkk ta waxa ka dhigan marka siyaasiinta Soomaaliyeed ay qabyaaladda ku hafato ee ku legdanto Hieroglyphic ayaannu xiisaynaa iyo SAAQ HORO iyo Dooh Gacaliye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here