“Fursada Aynu Ka Faa’iidaysano Oo Soo Celino Sumcadii Dalka”

0
588

Siyaasi Cabdilaahi Daamur

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay khilaafka ku waajahan Komishanka iyo qabsoomida Doorashada ee u dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda, waxaanu tilmaamay in loo baahnaa inuu Madaxweynuhu ogaado in Xisbiyada Mucaaradka maranba aanu ka maarmaayn.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Sannadkii aynu is haysanay, ee aynu ku haysanay Doorashada iyo Komishanka, dib u dhac baa inagu yimid, oo dhaawac baa soo gaadhay sumcadii aynu ku lahayn Caalamka, oo Dimuqraadiyadii aynu ku faani jiray dhaawac baa soo gaadhay, maanta iyo shalay isku mid maaha, waxay ahayd inuu mar horeba   Madaxweynuhu ogaado in aan sinaba looga maarmayn Xisbiyada Mucaaradka,laakiin haddii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday  maanta in  aan laga maarmi karin Xisbiyada Mucaaradka waa mid loo baahan yahay, waxaana loo baahan yahay in Komishankii dib loogu noqdo, in muddo kordhinta dib loogu noqdo, in Golaha Guurtida muddo kordhinta aan xisaabta ku fadhiyin ee ay sameeyeen, in Golaha Guurtida lafteedu muddo kordhinta ay kolba isku kordhinayso, in dib loogu noqdo iyo Barlamaankan fadhiidka noqday, ee muddada dheer joogay in dib loogu noqdo, sababtoo ah Guurtidan iyo Barlamaankan jooga dhaxal umay helin kuraastan ay ku fadhiyaan ee meesha ha u baneeyaan dadka kale ee hanka leh ee doonaya inay bedelaan, ta kale inaynu yeelano siyaasad cad oo aynu ku saxno wax kastoo inaga khaldan, iyo inaynu helno Komishan dhex ah oo lagu kalsoon yahay, ayaa la inooga baahan yahay”.

Mar uu ka hadlaayey Xisbiyada Mucaaradka ayaa yidhi “Haddii aanu nahay Xisbiyada Mucaaradka cadaalad baanu rabna, ee marnaba cadaalada daro ma ogolin, mana yeelayno, ee fursada aynu maanta haysano aynu ka faa’iidaysano, oo aynu dib u soo celino sumcadii aynu ku lahayn Caalamka, oo aynu qabsano Doorashooyin lagu wada qanacsan yahay”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here