Sirdoonka Ruushka Oo Iibsanayey Kombiyuutar Maraykan Laga Xaday, Iyo Cabsi Laga Qabo In Askarta Maraykanku Ay Weeraran Joe Biden

0
777

Hay’adaha ammaanka ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday qorshe la doonayo in Sirdoonka Ruushka laga iibiyo kombiyuutarka gabadha madaxda ka ah golaha wakiilada Marayanka ee Nancy Pelosi.

Sida ay ku warrantay majaladda Politico, FBI ayaa baadhis ku waddo caddaymo ay heshay oo sheegaya in gabadh ka mid ahayd dibadbaxayaashii aqalka Kongareeska galay oo xafiiska Nancy Pelosi ka xadday kombiyuutarka gacanta (Laptop) ay qorshaynayso inay ka iibiso sirdoonka Ruushka.

Gabadhan oo lagu magacaabo Riley Williams ayaa la sheegayaa in ay kombiyuutarka oo dabcan xogo muhiim ahi ku jiraan ay doonayso in ay ka iibiso nin ay saaxiib yihiin oo Ruushka jooga, si uu isaguna uga sii iibiyo wakaaladda sirdoonka qaranka Ruushka oo magaceeda loo soo gaabiyo SVR.

FBI ayaan weli gacanta ku dhigin gabadhan oo ay hooyadeed sheegtay in ay guriga ka tagtay iyada oo xamaamteeda oo dhan sii qaadatay isla markaana aan u sheegin halka ay u baxayso.

Dhinaca kalana laanta dembi baadhista federaalka Maraykanka ee FBI ayaa bilowday in ay baadho isla ciidamada Maraykanka ee ka qaybqaadanaya sugidda ammaanka munaasabadda xilka loogu dhaarinayo Joe Biden, iyada oo laga cabsi qabo in cid ciidamada qudhooda ka mid ahi ay weerari karto madaxweynaha cusub iyo xafladda caleemo saarkiisa.

FBI waxa kale oo ay baadhis iyo hubin ku waddaa xogo sir ah oo ay heshay oo sheegaya in ay jiraan dhinacyo shisheeye oo ku lug lahaa taageerada iyo maalgelinta weearkii dadka gadoodsani ay ku galeen Kongareeska Maraykanka