Arrimaha Caafimaadka: Joonis Cas (Hepatitis A)

0
286

Waa mar kale iyo taxanaheenii qormooyinka caafimaad. Waxa aynu maanta diiradda saari doonaa mid ka mid ah xanuunada ku dhaca beerka. Hepatitis A ama joonis cas waa caabuq haleela beerka kaas oo bulshadeena ku badan.

Cudurkan magaca aynu u naqaano ee joonis ayaan ahayn mid ku quman. Joonis waa huruud aynu jidhka ku aragno gaar ahaan maqaarka iyo indhaha. Beerka ayaa jidhka ka saara maado loo yaqaano Bilirubin oo ka timaadda marka la burburiyo unugyada dhiiga cas ee gaboobay. Beerka oo bukooda gudanna kari waaya shaqadiisii iyo in uu bato burburka unugyada dhiigu ayaa labadooduba keeni karaan in ay ku uruurto maadadaasi jidhka dabadeed aynu aragno huruud (Joonis).

Cudurkani waxa uu ka mid yahay cuduro door ah oo ku dhaca beerka iyada oo ay keenaan Viruses kala duwan. Waxa keena cudurkan virus ka loo yiqaano Hepatitis A oo ah mid u adkaysan kara kulaylka, aysiidha iyo isbiiratada intaba. virus kan ayaa keliya ku tarmi kara beerka.

Cudurkan ayaa lagu kala qaadaa biyo ama cunto wasakhaysan oo qofku qaato. Waxa uu qofku si toos ah uga qaadi karaa qofka kale goobaha ay nadaafadu liidato iyo meelaha lagu ururo. Cunto uu soo qaaday ama diyaariyey qof qaba oo aan dhawrin fayo-qabka gacmihiisa ayaa sida oo kale laga qaadi karaa.

Waxa jira dad ugu jira halis badan cudurkan oo ay ka mid yihiin:-

  • Dadka u socdaala goobaha uu ku badan yahay cudurkani
  • Qof la nool bukaan la daalaa dhacaya cudurkan
  • Dadka leh balwadaha kala duwan
  • Dadka darbi-jiifka ah
  • Caruurta joogta ama dadka ka shaqeeya goobaha lagu daryeelo caruurta

Cudurkan ayaa ku badan wadamada Afrika, Asia iyo koonfurta Ameerika. Dadka ku nool wadamada soo koraya ayaa la aaminsan yahay in uu badi haleeley cudurkani caruurnimadii. Cudurkan oo dhibta uu geysto iyo astaamihiisuba ay bataan mar kasta oo la sii weynaado ayaa noqon kara marka caruurta la joogo mid aan haba yaraatee wax calaamad ah yeelan.

Astaamaha uu cudurkani leeyahay waxa ka mid ah :-

  • Daal badan
  • Matag iyo yalaalugo
  • Xanuun uu ka dareemo feedhaha midig hoostooda
  • laabatooyinka (xaglaha) oo xanuuna
  • cuntada oo uu ka kaco bukaanku
  • kaadida oo is bedesha
  • indhaha iyo maqaarka oo huruud noqda
  • xumad yar
  • saxarada oo is bedesha
  • cuncun badan

Baadhitaanka cudurkan ayaa lagu ogaadaa dhiiga oo la baadho. Shaqada beerka fayow ayaa ah in uu qashinka qaar ka saaro jidhka , walxaha qaarna uu yahay beerku xubinta soo saarta. Wax kasta oo geddiya beerka iyo shaqadiisaba waxa ay khalkhal geliyaan qashin saarkii iyo wax soo saarkii beerka. Taasi waxa ay keentaa in dheecaanada qaarkood ay kacaan taasina inaga caawiso in la ogaado cudurkan. Waxa jira dheecaano (antibodies) uu difaaceenu adeegsado si uu ula dagaalamo virus –kan.  Antibodies ka gaarka u ah virus kan ayaa hadii laga helo qofka lagu ogaan karaa in uu soo galay cudurkaasi jidhka.

Ma jirto dawo rasmi ah oo loo qaato cudurkan. Jidhka ayaa iskii isaga saara virus kan iyada oo inta badan uu ku soo kabto beerku mudo 6 bilood ah. Waxa lagu la taliyaa in uu bukaanku nasto. Qofka waxa lagu la taliyaa inuu badsado khudrada iyo cabitaanka. Waxa muhiim ah in dawooyinka oo dhan qofku joojiyo inta dhakhtar u fasaxay mooyee. Balwada ayaa iyana mudan in uu joojiyo bukaanku si aanuu culays u saarin beerka.

Dadkeena ayaa had iyo gooraale aaminsan in la gubo cudurada beerka ku dhaca. Sayniska iyo cilmi baadhayaasha ayaan se arrinkaa marna ku darin qorshe daweedka cudurkan. Caqliga saliimka ah marka aad eegtana waxa la gubaa waa diirka sare oo aan haba yaraatee dabkaasi gaadhahayan beerka. Waxa kale oo qofku dabka kala kulmaa xanuun isla markaana waxa uu halis ugu jiraa in uu caabuq ku yimaado meelaha laga gubay.

Hepatitis A ayaa ah cudur saf mar ah oo aan inta badan noqon cudurada lala noolaado. Dhif iyo naadir ayaa uu keenaa in beerku si degdeg ah u joojiyo shaqada taasi oo keenaysa beerku inuu fadhiisto.

Waxa jira talaal uu cudurkani leeyahay isla markaana ah ka hortag aad u fiican. Waxa la door bidaa in ay dad gaar ahi qaataan oo ay ka mid yihiin caruurta yaryar, dadka haya qof cudurkani hayo iyo dadka u safraya meelaha uu ku badan yahay. Waxa iyana laga ma maarmaan ah in ay qaataan talaalka dadka leh xanuunada beerka iyo hawl wadeenada caafimaad gaar ahaan qolada shaybaadhka. Talaalka ayaa la qaadan karaa xitaa marka aad la kulanto qof u buka cudurkan.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email:deeqadahab17@gmail.com