Sir Qarinta Badani Waxa Ay Khatar Ku Tahay Caafimaadka Qofka Iyo Dad La Dhaqankiisa

0
549

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa caddaysay in sirta oo la qariyaa ay dhibaato caafimaad keeni karto, maadaama oo qofka sirta qarinayaa uu qabo culays iyo ciqaab gudhiisa ka jira oo la xidhiidha in uu sheego iyo in uu qariyo, taasina waxa ay keentaa daal maskaxeed , hurdo xumo, calaamadaha gabowga (Coodh-cood).

Cilmibaadhis Geeska Afrika natiijadeeda turjumay ayaa uu wargeyska Daily Mail ka soo xigtay cilmibaadhayaasha in boqolkiiba 95 dadku ay hayaan siro tiradoodu ay celcelis ahaan tahay 13 sirood, kuwaas oo 5 ka mid ahi yihiin siro aanay suurtogal ahayn in uu qofku sheego.

Xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Colombia ee magaalada New York ayaa caddeeyey in qiyaasta waqtiga uu qofku mar kasta ka fikiro adkaynta sirta uu hayo ay ku keento dhibaato caafimaad oo weyn. Dr. Michael Sullivan oo ahaa xubinta ugu muhiimsan daraasaddan samaynteedii ayaa sheegay in sababta sir qarintu dhibaatada u keenaysaa aanay ahayn sirta la qarinayo lafteeda, balse ay tahay xaaladaha ku xeeran qarinta ee ay ka mdi tahay, cabsida iyo walabahaarka joogtada ah ee uu qofku dareemo marka uu wax qarinayo, taas oo keenta dhibaato caafimaad. Laakiin aanay dhibaatadu ahayn qarinta lafteeda.

Waxa kale oo ay cilmibaadhistu muujisay in siraha badan ee la qarinayaa ay sida oo kale saamayn taban ku leedahay hannaanka ay dadku u macaamilaan. Dhinaca kalana daraasad ay samaysay jaamacadda Maryland ee dalka Maraykanka ayaa muujisay in qarinta sirtu ay saamayn badan ku yeelato hannaanka dad la dhaqanka ee bulshada. Waxa ay daraasaddu sheegtay in dadka siraha badan hayaa ay aalaaba jecel yihiin in ay afka ay ku hadlaan (Luuqadda) beddelaa marka ay saaxiibbadood farriimaha u dirayaan iyo in anshaxoodu sidii hore ka xumaado.