Sir Maxamuud Cumar-yare iyo Fanaaniin Kale Oo Booqday Tiyaatarka Hargeysa

0
1456

Hargeysa(Geeska) – Xubno ka tirsan fanaaniinta reer Somaliland oo uu horkacayay hobalka caanka ah ee Sir Maxamuud Cumar-yare islamarkaana uu ka mid ahaa orodyahanka Mo Faarax, ayaa Axadii soo kormeeray tiyaatarka Hargeysa oo uu hadda dhisme ka socdo.

Tiyaatarka Hargeysa oo ku dumay dagaaladii dhex maray dawladii Maxamed Siyaad Barre iyo xoogagii SNM, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa laga waday dhisme dib loogu dhisayo. Fanaanka Sir Maxamuud Cumar-yare oo halkaas ka hadlay ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu soo booqdo tiyaatarkii Hargeysa oo la dhisayo ka dib markii uu burbursanaa muddo labaatan sannadood ka badan.  “Waxa halkan iigu dambaysay 1988 oo aan ku galay tartankii dugsiyada ee heesaha, markaas in badan ayaa la maqlaa fanaaniin xaflado u timid, laakiin waxaan halkan u imid inaan eego sida uu dhismaha tiyaatarku u socdo.” Ayuu yidhi Sir Maxamuud, waxaanu intaas raaciyay, “Tiyaatarku wuxuu xarun u yahay fanka Somali oo dh an maadaama oo ay Hargeysa tahay meeshii uu fanka Somalidu ka hano qaaday.”

Maxamuud Cumar-yare iyo xubnaha kale ee la socday waxay soo kormeereen qaybaha kala duwan ee dhismaha tiyaatarka ee uu dib u dhisku ka socdo.

Sir Maxamuud, oo ka tirsan kooxda Walaalaha Sweden wuxuu ka mid yahay fanaaniinta dhallinyarada ah ee uu fankoodu tisqaaday labaatankii sannadood ee u dambeeyay, waana abwaan, fanaan, laxamiiste iyo weliba farshaxan miyuusiga tuma. Waxaanu ku barbaaray magaalada Hargeysa oo ay qoyskoodu ilaa hadda degenyihiin.