Guddoomiye Cirro Oo Soo Jeediyay In Danjire Mahiga Dalka Laga Mamnuuco

0
830

Mahiga2Hargeysa(Geeska) -Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si adag uga hadlay talaabada ee ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Danjire Augustine Mahiga ku farogeliyay siyaasadda arrimaha gudaha ee Somaliland, ka dib markii uu dhawaan kulan kula yeeshay dalka Kanada kooxda la baxday Awdal State ee ka soo horjeeda midnimada iyo wada jirka shacabka Somaliland. Sidaas wuxuu ku sheegay waraysi gaar ah oo uu shalay siiyay Wargeyska Geeska Afrika.

Danjire Mahiga ayaa toddobaadkii hore dalka Kanada kula kulmay xubno ka tirsan kooxdaas Awdal State, kuwaas oo qoraal ay soo saareen ku sheegay in kulankaasi ahaa mid ay labada dhinac kaga wada hadleen arrimo badan, waxaana kulankaasi si weyn uga cadhooday shacabka Somaliland oo u arkay in Danjire Mahiga u badheedhay burburinta iyo kala qaybinta gobalada Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaas daraadeed guddoomiye Cirro, ayaa si adag u cambaareeyay farogelintaas qaawan, waxaanu guddoomiyuhu sheegay in dajire Mahiga mudanyahay in laga mamnuuco inuu wadanka soo galo. Guddoomiye Cirro, waxa kale oo uu waraysigiisa kaga hadlay khilaafkii xisbiga UCID, saaxiibtinimada Faysal iyo weliba aragtidiisa siyaasadda dibadda ee Somaliland. Waraysigiina wuxuu u dhacay sidan:

Guddoomiye, Danjire Mahiga waxa uu la kulmay kooxda isku sheegta Awdal State, arintan oo dhabar jab siyaasadeed ku ah qaddiyadda Somaliland. Sideed adigu u aragtaa?

La kulanka uu la kulamay Mahiga wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah Somaliya, kooxda isku magacawday Awdal State waxay u muuqataa oo ay tahay faragalin qaawan oo lagu sameeyay arimaha gudaha Somaliland.

Mahiga waxa mushkilad ugu filan mushikilada Somaliya in uu xaliyo, Somaliland isagaa qiray oo ka markhaatiya inuu yahay wadan degan oo xasiloon oon dhibaato-ka taagnayan oon laysku haysan. Waxay u eegtahay inuu doonayo malaa markuu mushkiladii Somaliya xalin  kari waayay in uu Somaliland-na mushkilad ka sameeyo. Runtiina waxa uu mudan yahay in talabadaas oo kale laga qaado oo aanu wadanka Soo galin.

Muddo dheer ayaad badweynta diblamaasiyada ku soo dhex jirtay, diblomaasiyiin kale iyo qaar kamida bulshada Somaliland-na siyaasada arimaha dibada ee xukuumadda uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Siilaanyo waxay ku tilmaameen mid gebi dhaclaynaysa marka laga hadlayo dhinaca aqoonsi raadiska. Adigu sideed u aragtaa?

Waxan qabaa dawalada Axmed Siilaanyo waa dawlad cusub, siyaasadeeda arimaha dibaduna waxay jirtay intaa cimrigeedu jiray, waa laga yaabaa in umadu aragtiyo kala duwan ay ka qabto. Mid waxaan qabaa inay geed ka go’an tahay siyaasad kasta oo arimo dibadeed ama xukumaada Siilaanyo hala haato ama tii ka horaysay hala haato amaba ta kadanbaysaa hala haato, siyaasada arimaha dibadu marnaba kama hor iman karto gooni isu taaga qaranimada Somaliland, taas baana saldhig u ah.

Wixii kale ee khalada waa la toosin karaa ama waa laga wada hadli karaa, waxaan qabaa inay wasarada arimaha dibadu ama wasiirku uu dadaal sameeyay lakiin cabashooyin badan intaas way ka soo yeedhayaan, lakiin saldhig waxa u ah waxuu qabanaayo iyo waxay wasaaradu qabanayso iyo siyaasada arimaha dibada in aanay marnaba ka hor imanin gooni isu taaga Somaliland iyo madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland.

Haddii aynu u kacno dhinaca xisbiga UCID adiga iyo Faysal Cali Waraabe muddo intee leeg ayaad saaxiibo ahaydeen, se wax kulana ama xidhiidhi  ma idin dhex maray intii uu dhacay xukunka maxkamadu?

Faysal muddo badan ayaan saaxiib ahayn, waliba mudadas dheer waxaan ku qiyaasi karaa ilaa labaatan sanadood ka badan sidaan is leeyahay. Markaas wax shakhsiya oo aan ka sheegayaa Faysal-na ma jirto, arimaha xisbigana wakhti ku munaasaba ayaan ka hadli doonaa hdadii alle ka dhigo.

Suuqa waxa ku jirta inaad urur aad ku dhawaaqaysaan, adiguna  aad ku jirto dadka danaynaya inuu ururkaas guddoomiye ka noqdo, haddayba hirgasho sidee ayay isu waafaqayaan sharci ahaan, xilkan aad hayso ee ah guddoomiyaha golaha wakiilada iyo xilkaa gudoomiye urur ee aad damacsantihiin?

Mid baan idiin sheegayaa oo waxa weeyaan horta wax sharci daro ah marnaba kuma talaabsan doono. Tan ku saabsan ururka waxa noo socda wada tashigii wadanka gudahiisa iyo dibadiisa dadkii xisbiga ka tirsanaa go’aan ka aanu qaadano-na kolay dhaqsuu u soo baxi doonaa, laakiin ma jecli in aan ka hordhaco.

Maxkamdu waxay xukunkii xisbiga Ucid ku soo afmeerty in hoggaamiyaasha xisbigu ay ku jiraan wakhti muddo dhaafa, isla markaasana ay hoggaaminayaan shirwaynihi labaad ciddii joogtay, xubnahii joogay shirwaynii labaadana ay iyagu qabtaan shirwaynaa saddexaad ee xisbiga halkaasana laga soo anba qaado, adigu markaa ka Cabdiraxmaan ahaan sideebaad u aragtaa xisbigii Ucid inaad wali ku sii jirtaan?

Dee ogaan maxkamadeed ayaa dhacay, waxaana waajiba in go’aankaas la fuliyo. Go’aanku waxa uu xusayaa 2006-dii hoggaankii xisbiga ee markaas jiray oo aanu aniga iyo Faysal oo keliyi  ka joogno, golahii dhexe iyo fulintii wakhtigaas iyo xubnahii wakhtigaas jiray oo kaliyaati inay qabtaan, raggan dhinac yaacaya Faysal-na waxaan u malaynayaa 2006 marka lagu noqdo badankoodu xisbiga uguma jiraan sifo sharciya. Markaas kolay imtixaan xisbiga laga qaadayay ayuun buu ahaa inuu ka bixi doono war uma hayo, laakiin waxa ku waajiba in loo noqdo 2006 lana fuliyo go’aanka maxkamada.

Rajo intee leeg ayaa laga qabi karaa in xisbiga Ucid uu ka soo dhex baxo ururadan la furay, adiga oo waliba qiimaynaya awoodiisa iyo sida uu u kala qaybsamay ?

Walaahi xisbiga Ucid saaxaduu ku soo jiray muddo toban sano ah, anigu waxaan is leeyhay magac ahaan mooyaane halka uu maray xisbigii dadku way wad arkayaan, xisbigu magacuun buu ahaa laakiin dadkii ku jiray saxaafaduna way ogtahay, shacbiguna way agyahiin meesha uu joogana way ogyahiin, markaa dee shacbiga ayay u taalaa magacaas waxa uu ku shuban doono, laakiin dadkii ku jiray aqlabiyadiisii waa ay ku yartahay hadday fulin tahay iyo hadday hogaan tahayba meesha ay joogana shacbigu waa ay ogyahiiin.