Abwaan Hadraawi oo ka hadlay Deeqdii Muqdisho La Geeyay iyo Sababta uu u soo noqday

0
836

hadrawiHargeysa(Geeska) – Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi), oo ka mid ahaa weftigii Somaliland ee Muqdisho u qaaday deeqda ay umadda reer Somaliland u ururiyeen dadka ku tabaalaysan Somaliya, ayaa shalay dalka ku soo laabtay.

Abwaan Hadraawi, oo Hargeysa ugu soo noqday arrimo u gaar ah, wuxuu sheegay in deeqdii Muqdisho la geeyay loo qorsheeyay laba weji oo kala ah in magaalada Muqdisho la siiyo 30% ka mid ah deeqda, inta kale ee soo hadhayna la geeyo gobalada iyo deegaanada kale ee ay abaaraha iyo macaluushu ka jirto. Abwaan Hadraawi oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu wax laga murugoodo ku tilmaamay muuqaalka ay yeelatay magaaladii Muqdisho ee caasimadda Somaliya, “Guud ahaan Muqdisho xaaladeeda iyo dagaaladii ka dhacay waynu la soconay oo warkeeda waynu haynay laakiin ilaa aad xaqiiqada hor tagto waxa dhacay ma sawiri kartid. Waxaanu tagnay iyadoo ummadii Muqdisho joogtay oo dhami diyaar noogu tahay madaarka oo mashxarad iyo kalgacal ayaa lanagu soo dhaweeyay.” Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi, waxaanu sheegay inaanay marna malaynayn sida loo soo dhaweeyay, “Inkastoo aan filayay in si diiran lanoo soo dhawayn doono, haddana tii dhacday nina ma filayn oo cidina ma malayn karayn.”

Abwaan Hadraawi, oo ka hadlaya xaaladda Muqdisho wuxuu yidhi, “Muqdisho magaaladii aan aqaanay maaha, dagaalaa ka dhacay, niman AMISOM la yidhaahdo ayaa jooga oo madaafiic miidhan dhulka ku furay oo aanay waxba ka gelin cidda ku dhimanaysa. Xalay [habeen hore] waxaan dhex maray iyadoo ay magaaladu mugdi iyo cidla tahay. Maanta [shalay] ayaan soo dhex maray oo waan naxay Muqdishadii aan aqaanay iyo siday maanta tahay aad ayay u kala dheertahay, dagaaladaas taxan maanta ilaa hoggaamiye kooxeedyadii ayaana sabab u ah, markaas wax ka sii dhacay Muqdisho mooyee wax u kordhay ma jiro, dadka xaaladoodana isagoon qofku kuu waramin ayaad dushiisa ka akhrisanaysaa xaaladooda iyo siday yihiin.”

Abwaan Hadraawi, wuxuu u mahadceliyay Madaxweynaha dawladda kumeelgaadhka ah Sheekh Shariif, oo habeen hore weftiga Somaliland ka tagay madaxtooyada ugu sameeyay casho sharaf ay dhammaan xubnaha dawladiisu ka qayb galeen, waxaanu Abwaanku sheegay in Shariifku si gobanimo leh u qaabilay weftigoodii.

Isagoo ka hadlaya sida ay qaybinta deeqda u qorsheeyeen wuxuu yidhi, “Axadii waxaanu bilownay kala war qaadashadii iyo in la soo ururiyo xaaladaha iyo gobaladu siday u kala adagyihiin xaaladda ka jirtaa, markii la soo koobayna weftigayagii waxay qorsheeyeen inay shalay bilaabaan qaybintii deeqda, waxaana la qorsheeyay inay Muqdisho yeelato 30% ka mid ah deeqda, 70%-ka kalena gobalada oo ay dadka badan ee qaxoontiga ahi joogaan, markaas sidaas ayaa loo qorsheeyay, dadkana tallo ayaa la weydiiyay, si fiicana way u socotaa.”