“Siilaanyo Waxa Lagu Ridi Karaa 42 Cod, Cabdiraxmaan Cirrana Waxa Lagu Ridi Karaa 55 Cod,Waxaa Labadooda Dhaw Madaxweyne Siilaanyo”

25
812

Picture7Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa is barbar taagay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro,isaga oo sheegay inuu hadda ku sugan yahay wadada saxda ah.

Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay in kursiga madaxweeyne Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Ciro ay isku xidhan yahiin, isla markaasna cod haddii ay noqoto uu yar yahay codka uu xilka kagaga qaadi karo madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Waxaanu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay tilifishanka HCTV, waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi  “Maanta waxaan leeyahay sharci buu ku fadhiyaa,markuu yidhi shaqadaydii baan qabsanayaa Cabdiraxmaan oo xisbi mucaarad ahna waan ahay oo waxbaan saxayaa ayaa la yidhi halaga qaado,Intuu maqnaa guddoomiye Saleebaan waa aad arkayseen oo inta uu dhakhtar ku maqan yahay iyo inta uu joogaa way is leeg yihiin, maalin kaliyaata oo aanu arinkii Madashii ka soo dajinay oo uu warqad qoray xaqna uu u leeyahay aan wada tashano, ayaa la yidhi hayaay sowkan ninkii is waalay. Kursiga Cabdiraxmaan iyo ka Siilaanyo waa ay isku xidhan yihiin, Siilaanyo waxa lagu ridi karaa 42 cod, Cirrona waxa lagu ridi karaa 55 cod,waxaa labadooda dhaw Siilaanyo, qaladaadkay galeena haddii dib loo eego dawladani kay gashay ayaa badan, hadii wada tashigan la samayn waayana wadooyin kale oo noo furan ayaanu maraynaa oo hada aanu ka xishoonayno,waa dawadeena inuu dalkeenu khal khalgalana dooni mayno waa in la sii daayo dooda,waxaanu hayno hanala eegeen ajandahana haku darsadaan waxay rabaan,waxii ka soo baxaayana wax ha ku darsadeen, laakiin anaga nalama odhan karo labada xisbi ma samayn karaan, hadaanu labadayadu talaabo qaadno ma fadhiyaayo Siilaanyo, waxaanu leenahay Siilaanyoow ninaan kuu furi doonin yaanu kuu ra’rin.”

 

Comments are closed.