Shirkad Sheegtay Inay Somaliland La Galayso Heshiis Ah Maalgelinta Dekedda Berbera

44
705

Picture6Hargeysa(Geeska)-Shirkadda lagu magacaabo Bollore Africa Logistics oo ah shirkad Faransiis ah, ayaa sheegtay inay gunaanad ku dhowyihiin wada hadalo ay kula jirto dawladda Somaliland oo ku saabsan sidii ay maalgashi ugu samayn lahaayeen dekedda Berbera.

Agaasimaha fulinta ee shirkadda Bollore Mr. Dominique Lafont ayaa wakaaladda Port Finance international, u xaqiijiyay in wada hadalku marayo marxaladihii u dambeeyay. “Dekedda Berbera ayaa runtii dareenkayaga soo jiidatay.” Ayuu yidhi agaasimahani, isagoo sheegay inay doonayaan inay maalgashi ku sameeyaan dekedda Berbera.

“Waxaanu dhawr sannadood ka hor wada hadalo la bilonwy maamulka Somaliland. Wada hadaladaaasi waxay ka soo gudbeen caqabado badan. Markii labaad, waxaanu qarka u saaranahay gunaanadkii.” Ayuu yidhi agaasimaha fulinta ee Bollore, isagoo intaas raaciyay,  “Si aad ah ayaanu ugu baraarugsannay sida ay u tahay meel u dihin maalgashi.”

Sarkaalkan sare ee ka tirsan shirkadda Bollore, wuxuu sheegay inay hayaan xogta ah inay Itoobiya tahay dal aan deked lahayn oo dihin, kaas oo ay u isticmaali doonaan dekedda Berbera.

Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadal hadalka ka soo yeedhay shirkadan, waxase iyaduna la sheegay inay jirto shirkad kale oo laga leeyahay dalalka gacanka Carabta oo wada hadal kula jirta xukuumadda Somaliland, taas oo masuul Somaliland u hadlay uu sheegay inay qarka u saaranyihiin saxeexa heshiiska.

Shirkadahan ayaa dhammaantood waxay u ordayaan sidii ay maalgashi ugu samayn lahaayeen dekedda Berbera islamarkaana ay maamulkeeda ula wareegi lahaayeen.

 

Comments are closed.