“Siilaanyo Qabiilnimada Iyo Qaranimada, Qabiilka Ayaa Ku Weyn. Taas Dambi Layga Qori Maayo, Xaaji Baan Ahay Afartanka Ku Jira”

0
598

Picture6Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Gudida Arrimaha Gudaha iyo Nabad-gelyada ee Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye ayaa sheegay in khilaafka ka taagan Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland uu yahay mid ka dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaana uu tibaaxay in guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu gaadhay meel aanu Siilaanyo ka filanayn,sidaas darteedna uu  Madaxweyne Siilaanyo keenay Mooshin uu cadaawad ugu abuurayo.

Md:Maxamed Muuse Obsiiye ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa,waxaana uu yidhi:"Horta cudurku waxaa uu yahay Siilaanyo ayaa waxaa ku soo baxay nin gaadhay meel aanu islahay waligii waa uu gaadhayaa,badadeedna Mooshinkii ayaan noqday inkiina cadaawad loo sameeyo,oo uu u sameeyo Aqalka Madaxtooyada iyo Siilaanyo,oo uu iska horkeeno Baarlamaanka gudihiisa,taas halka cudurku yaala Saxaafada Maanta waxaan u cadaynayaa anaguna aan ognahay in arrinku halkaas uu yahay oo waar Labadaasi isma hayaane Siilaanyo waxa uu u qaadan waayey Siyaasada Siilaanyo waxaa uu u qaadan waayey ee ay ka horyimaadeen ayaa meesha laysku hayaayee ha u qaadanina in Baarlamaanku ishayo”Ayuu yidhi Md:Maxamed Muuse Obsiiye

Md:Maxamed Muuse Obsiiye oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo ay isyaqaaneen muddo aad u badan isla mar ahaantaana ay Qaranimda iyo Qabiilnimadu ay qabiilnimadu ku wayntahay agtiisa.

“Siilaanyo Qabiilnimada iy Qaranimada Qabiilka ayaa ku wayn taa dambi Layga Qorimaayo,Xaaji baan ahay Afartan kiibaan ku jiraa,74-sano ayaanan jiray,Afar iyo Kontankiibaanan Siyaasad galay,Illaa maalinta uu tacliinta Afar iyo Lixdankii uu ka soo baxay nin la socday Talaabadiisa ayaan ahay Siilaanyo Qabiilnimada iyo Qaranimada Qabiilnimada ayaa ku wayn”Ayuu yidhi Md:Maxamed Muuse Obsiiye

Ugu danbayntiina Md:Maxamed Muuse Obsiiye waxaa uu tibaaxay in guddoomiyaha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Md:Saleebaan Maxamuud Aadan uu yahay in wax uu doono sameeya,oo ku dhacleh balse waxaa uu carabka ku dhuftay in uu yahay nin ay hada taladiisii kaga soo ururtay sidii aanay isaga iyo Siilaanyo aanay isu qabsan lahayn.

“Saleebaan waa nin Siyaasi ah,waa nin soo jireen ah,waa nin ku dhacleh,waa nin wax uu doono Sameeya,Saleebaan Taladii waxaa ay kaga soo ururtay Adiga iyo Siilaanyo ha isqabsanina"Ayuu yidhi Md:Maxamed Muuse Obsiiye.