Kulmiye Iyo Abaartu Laba Masiibo Oo Midba Ka Kale Kordhinaayo (Direct Probutional) Jaamac Hilaac

0
727

125 sano ayaa laga joogaa markii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada madax banaanida jamuuriyada Somaliland, mudadii u dhaxaysay sanadkii 1991 ilaa 2015 waxaa dalkan soo maray 4 xukuumadood oo midba dalkan maamulaysay intii alle u qadaray.

Shacabka Somaliland oo 25sano kadib wajahaaya dhibaatooyin laxaad leh oo ka dhashay halgankii dib u xoraynta ayaan weli helin xukuumado iyo maamulo la mahadiyo oo shacabka u dooriya wixii shalay laga dagaalamay “isma doorin gaalkan diray iyo kan daarta ii galaye” (Abwaan Qaasin).

Xukuumada kulmiye oo ku guulaysatay doorashadii madaxtooyada ee 2010 ayaa la aaminsanyahay inay tahay tii ugu liidatay ee dalka soo marta marka laga eego dhinacyo badan, dadka aqoonta u leh

dawladnimada ( polations) ee dhaliila guushii doorashada kulmiye ayaa rumaysan in guusha doorashadaasi ay ku timid caadifad qabiilaysan ( Tribal Emission) Waa Markaygii taas oo ay dabada ka riixayeen siyaasiyiin, mujaahidiin, suxufiyiin, dhakhaatiir, in jineero, ganacsato iyo aqoonyahan kale kuwaas oo ka soo jeeday afarta ardaa ee ugu tunka weyn beelaha dhexe ama loo yaqaan kaligood isaaq.

Kooxdan siyaasiyiinta ah oo uu hore saaxada siyaasada ( political Atometomspher) uga saaray marxuun madax weyne cigaal sidoo kalena uu dhabiga u qoray madax weyne riyaale kaahin ayaan la iman istaraajiyad siyaasadeed iyo aragti fog ( vession) oo lagu dhisi karo dawlad wanaagsan balse u jeedada kaliya ee kooxdani ay ku midaysnayd ay ahayd in la rido iyo in xididada loo saaro xisbigii Udub ee dawlad yaqaanka ahaa iyo inay mar labaad ku soo noqdaan saaxada siyaasada.

Xukuumada kulmiye oo la soo dhisay bishii july 2010 ayaa noqotay xukuumadii u horaysay ee aan loo dhamayn ee dalka soo marta taas oo lagu qaybiyay qaab qabiil oo ku dhisan tirada 4.00 ama ( four point zero, zero) halbeegan xukuumada kulmiye oo noqday kii ugu horeeyay ee sideed ardaa u qaybiyey beelaha isaaq ayaa xuquuq siyaasadeed , mid dhaqaale iyo shaqo oo dheeraad ah siiyey afarta ardaa ee ugu tunka weyn beelaha dhexe, sidoo kalena qadiyey afarta kale , halbeegan kulmiye ayaa sidoo kale lagu takooray xuquuqaha aas aasiga ah ee ay leeyihiin beelaha la hayba sooco ee gabooye iyo kuwa aan codka lahayn ( voiceless communist) ee dalka degenaa ilaa 1960.

Halbeegan ( par miter) oo ah cadaalad daro yuururta ayaa beelaha darafyada reer Somaliland u gudbinaaya sawir iyo fariin ah in dalkan uu

qabiil kaliyii maamusho balse aanay xikmad kale jirin taas oo khatar ku ah mustaqbalka dalkan hadii aan xal loo helin.

Fuqahada islaamka (Islamic scholars) ayaa sheegay in dunidan aynu ku noolnahay ay dawladu jiri doonto balse dawladaasi ay tahay mid ay ku jirto lug cadaaladeed waxay doonto ha aaminsanaate .

Madax weyne siilanyo oo ah aqoonyahan bartay cilmiga dhaqaalaha ayaa xiliyadii dawladihii rayidka ahaa iyo kacaankii barakay sanaa ahaa agaasim wanaagsan ( good technocrat) kaas oo gacan yare kaliya u noqon kara siyaasi ama hogaamiye daacad ah.

Madax weyne siilaanyo oo ku biiray ururkii dhaq dhaqaaqa wadaniga soomaliyeed ee SNM sanadkii 1984 noqdayna hogaamiyihii ugu mudada dheeraa ururka SNM ee 1984 ilaa 1990 ayaa waxa maamulkiisii soo food saaray khilaafaad ka dhashay hogaamintiisa sida musuq maasuq, qabiilaysi, hogaamin xumo, xukun xumo, maamul xumo, iyo kala qayb sanaan ku waas oo halis galiyey jiritaanka ururkii SNM, dadka aqoonta u leh ururkii SNM ayaa aaminsan in garabkii siyaasada ee ururkii SNM uu guul daraystay marka la bar bar dhigo garabkii kale ee milatari guul daradaas oo u muuqata inay weli caqabad ku tahay in dalkan laga dhiso dawlad dimuquraadi ah oo ku dhisan cadaalad, sinaan iyo horumar.

Madax weyne siilanyo oo noqday madax weynihii 4aad ee dalkan soo mara lana doortay 2010 kii ilaa 2015ka oo wakhtigan ku fadhiya kursiga mudo kordhin ayaa waxa maamulkiisa saamayn weyn ku yeeshay dad aanu shacabku dooran kuwaas oo sifo aan qaanunka waafaqsanayn ugu tagri falay awooda(power) dawlada, kooxdan ku xeeran xukuumada madax weyne siilaanyo oo badi awooda dawladu ay gacanta ugu jirto ayaa qarankan curdinka ah u gaystay gabood falo

isugu jira maamul xumo, musuq maasuq maaliyadeed, mid siyaasadeed , hanti boob, dhul boob, iyo kuwo dhinac mooralka ah kuwaas oo aanay xukuumada kulmiye karti u lahayn inay wax ka qabato.

Shacabka Somaliland oo 40kii sanadood ee la soo dhaafay nolosha ku rafaad sanaa ayaa u muuqda inay waayeen siyaasiyiin karti u leh inay wax ka taraan duruufaha ka dhashay dawlad xumada waase nasiib kood.

Cuquubaad ka dhashay hogaanka oo leexday, xukunka oo gacanta u galay dad aan ehel u hayn , hantida ummada oo la xalaashaday, amaanada oo dayacantay , dulmiga iyo qabiilka oo kordhay, dan yarta oo lagu tacadiyey, quluubta dadka oo kala jeedsatay ayay u muuqataa inay ka dhalatay abaar baahsan oo dadka iyo xoolahaba baa biisay, taas oo u muuqata inay tahay abaal marin ay shacabku ka heleen cod koodii ay ku doorteen xukuumada kulmiye.

Abaartu waxay saamigal quman ku tahay xisbiga kulmiye hadii abaartu korodho waxaa kordhaya muda xileedka xukuumada kulmiye, hadii mudo xileedka kulmiye kordhana waxaa inagu kordhaysa xiliga abaarta. (if droughts in creses the period of kumiye rule in creses and if kulmiye in creses the droughts in creses)