Sidee Loo Arkay Qodobadii Ay Golaha Guurtidu Ku Naaqisheen Siyaasda Dibadda Somaliland?

0
703

 

Hargeysa(Geeska)-Golaha guurtida Somaliland ayaa khamiistii siyaasadda dibadda Somaliland ka yeeshay dood adag oo soo jiidatay indhaha bulshada Somaliland, taas oo ay ku lafo gureen safarada dibadda loogu baxo iyo arrimo kale.

Mudanayaasha golaha guurtida, ayaa waxay doodii khamiistii ku soo jeediyeen in la xoojiyo safaaradaha dibadda ee Somaliland. Waxa kale oo ay mudanayaasha doodooda ka dhiibtay soo jeediyeen in safarada uu dibadda ugu baxo wasiirka arrimaha dibaddu lagu daro mudanayaal ka tirsan goleyaasha baarlamaanka si loo xoojiyo hawlgalka aqoonsi raadiska Somaliland iyo weliba muuqaalka wufuudda Somaliland oo aan safaradaas keliya lagu koobin wasiirka arrimaha dibadda.

Dad badan oo ay doodaasi soo jiidatay ayaa isweydiiyay sababta ay mudanayaasha golaha guurtidu hadda ugu jeesteen siyaasadda dibadda. Hase yeeshe waxa la dareemay in labada qodob ee ay mudanayaashii doodooda dhiibtay ka hadleen ee la xidhiidha siyaasadda arrimaha dibadu yihiin kuwo muhiim ah marka dhinacyo badan laga eego. Qodobka ugu horeeya ee ah xoojinta dhaqaale ahaan iyo dhisme ahaanba safaaradaha dibadda ayaa ah mid muhiim ah in la soo hadal qaado maadaama oo ay muddoyinkan dambe soo baxayeen warar sheegaya inay cabasho ka soo yeedhayso wakiilada diblomaasiyadeed ee Somaliland dibadda u jooga.

Cabashadooda ayaa la sheegayaa inay salka ku hayso dhaqaale la’aan iyo weliba dhinaca xidhiidhka ay la leeyihiin wasaaradda arrimaha dibadda. Safaaradaha dibadda ayaa u baahan maskax iyo dhaqaale maadaama oo ay iibinayaan qaddiyad aan taageero badan ka haysan wadamada ay wakiilka ka yihiin.

Qodobka labaad ee ay  mudanayaasha golaha guurtidu ka doodeen ayaa isna ah  in mudanayaal ka tirsan labada gole baarlamaan lagu xoojiyo safarada uu wasiirul khaarajigu dibadda ugu baxo. Mudanayaashii doodooda dhiibtay ayaa qodobkan si taxadar leh uga hadlay waxaanay ka dheeraadeen inay muujiyeen inaan kalsooni lagu qabin wasiirka khaarajiga, waxaanay qodobkaas u sibir saareen sida ay u qurux badnaan lahayd in safarka wasiirka la xoojiyo. Qodobkan ayaa inkastoo farsamo ahaan lagu kala aragti duwanaan karo, haddana wuxuu u muuqdaa mid muhiim ah.

Marka la eego doodda mudanayaashii guurtida ee qodobkan ka hadlay, waxa loo kala qaadi karaa laba dhinac. Aragtida odhanaysa hala raaco wasiirka waxa ay dad badani qabaan mid aanu macno buurani ku jirin maadaama oo ay shaqadiisii tahay wasiirka, waxase macno muhiim ah huwan qaybta odhanaysa hala xoojiyo safarada wasiirka. Qodobkan ayaa ah mid u baahan in laga midho dhaliyo maadaama oo  markhaati laga noqday in siyaasadda dibadda Somaliland labaatankii sannadood ee ugu dambeeyay jeebka ugu jirtay hadba wasiirka qabta taladda diblomaasiyadda Somaliland taas oo aan midho la taaban karo dhalin.

Tusaale ahaan waxa la samayn karaa guddiyo ka kooban goleyaasha dalka ama indheer garadka umadda oo ololeyaal ka fuliyo hadba meeshii loo arko inay furi karaan.

Sidaas daraadeed, labada qodob ee ay mudanayaashii doodooda ka dhiibtay siyaasadda dibadda Somaliland soo bandhigeen ayaa ah kuwo u baahan inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo is dultaagto oo xataa haddii aanay golaha guurtida la qabin aragtidooda haddana ay ugu yaraan dib uga munaaqashooto.