Muxuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Kaga Jawaabay Telefoon Uu Meles Zenawi U Diray Oo Ku Saabsanaa Aragtidiisa Maalgelinta Dekedda Berbera?

0
762

 

New Picture (2)Hargeysa(Geeska)-Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa Telefoon u diray Madaxweynaha Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele, waxaanu kala hadlay sida uu u arko heshiiska u muuqda inuu dhex marayo Somaliland iyo shirkadda Bollore ee ku saabsan maalgelinta dekedda Berbera.

 

Warsidaha Wikileaks ee faafiya wada hadalada dhex mara safaaradaha Maraykanka ee dunida iyo xarunta wasaaradooda ee Washington, ayaa wuxuu sheegay in Wasiirkii hore ee khaarajiga Cabdillaahi Maxamed Ducaale, kulan uu horaantii sannadkii 2010 la yeeshay safiirka dalka Maraykanka u jooga Djibouti Danjire J. Swan, uu kala sheekaystay xidhiidho saddex geesood ah oo dhex maray Somaliland, Itoobiya iyo Shgirkadda Bollore Group ee laga leeyahay dalka Faransiiska, kaas oo ku saabsanaa in shirkadu maalgashato dekedda Berbera. Sida warsiduhu sheegay Wasiir Ducaale, wuxuu inay maalgelinta dekedda Berbera ka hor ay Itoobiya iyo Somaliland isku raaceen inay Itoobiya maalgeliso jidka isku xidha Addis Ababa iyo Berbera si uu u fududaado isticmaalka dekedda Berbera. Wuxuu Ducaale sheegay in safiirka Faransiiska u jooga Addis Ababa Jean-Christophe Belliard uu door muhiim ah ka ciyaaray wada xaajoodka dhex maray shirkadda iyo Somaliland. “Ducaale wuxuu sheegay inuu Raysalwasaare Meles Zenawi Telefoon u diray Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele si uu ugala hadlo heshiiska dhow ee Bollore.” Sidaas ayuu yidhi qoraalka uu Wikileaks helay ee ay diblomaasiyiinta Maraykanku ka diyaariyeen kulankii Ducaale iyo safiirka, waxaanu intaas ku daray, “Madaxweyne Geele sida uu Ducaale sheegay wax diidmo ah oo weyn kamuu horkeenin qorshahaas.”

Warsidaha Wikileaks wuxuu sheegay in dekedda Djibouti tahay halka ugu weyn ee uu ka soo xeroodo dhaqaalaha dalkaasi, “Haddii aanu Madaxweyne Geele diidmo weyn ka horkeenin heshiiska Bollore, tani waxay iftiiminaysaa inay Djibouti kalsooni ku filan ku qabto faa’iidada ku jirta in tartan dekedeeda lala galo.” Ayay warbixintu tidhi, waxaanay intaas raacisay suurtogalnimada inay Djibouti ka faa’iido maraakiibta ku sii hakan doonta dekedeeda.

Heshiiskaas qabyada ahaa ee dhex maray xukuumadii hore iyo shirkadda Faransiiska ah ee Bollore, ayaa la aaminsanyahay inuu ka mid noqday heshiisyada muhiimka ah ee aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sii ambo qaadin.