Sidee Dalalka Qurbaha Looga xusay Maalinta Qaranimada Somaliland

0
727

may18-ka May (Geeska )-Wadanka gudahiisa iyo dabadiisaba ayaa si weyn looga xusay maalinta gooni isku taaga ee 18-ka May, waxaana xaflado tiro badan lagu qabtay wadamo tiro badan oo ku yaala daafaha caalamka, xafladaas oo intooda badan laysku xasuusinayay waayaha ay Somaliland soo dhex jibaaxday,halka ay wakhitigan marayso, waxyaabaha ay hiigsanay iyo waliba in laysku hanbalyeeyo maalintan oo bulshadada Somaliland u aragto mid ku qaaliya. Wadamadda xuska 18-ka May lagu qabtay waxa kamid ahaa.

UK

Casimahada wadanka Ingiriiska ee London, ayaa xaflad qurux badan oo laysku arkay loogu qabtay gooni isku taaga iyo madaxbanaanidda Somaliland, xuska maalintan 18-ka May ayaa lagu qabtay wadamo badan oo ku kala yaala daafaha dunida, waxaana magaaladda London isugu yimi sidii horeba looga bartay qurba joogta reer Somaliland ee wadnkaas ku dhaqan, oo habeenkaas wada qaatay habeen farxadeed oo aad laysku hanbalyeeyay, layskuna baraarujiyay maalintan muhiimaka u ah umadda Somaliland ee ay gooni isku taagtay, waxaana xafladaas heeso u badan kuwo wadaniya ka qaaday fanaaniin.

US

Wadanka Maraykanka gaar ahaan Washington DC ayaa iyadana dhankeeda lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu xusay maalinta gooni isku taaga Somaliland, waxa xafladaas iyo shir ka danbayndoonaba ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid ahayeen wasiiradda arimaha dibada,beeraha,macdanta iyo biyaha, gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, Adna Aadan Ismaacil iyo masuuliyiin kale oo ay kamid ahayeen Dave Peterson oo ah madaxa Hay´ada NED.Mis Kathleen McGowan oo ah lataliye USAID,Paul Fargan madaxa afrika u qaabilsan IRI ee USA.

Xafladan oo ahayd mid laysku arkay ayaa laga jeediyay khubado la xidhiidha gooni isku taaga Somaliland iyo isbadaladda muga leh ee ay mudadaas 21-ka sano ah Somaliland gaadhay, waxaana hanbalyo loogu diray bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

 

China

Waxa si rasmiya looga xusay maalinta qaranimadda Somaliland wadnaka China, halkaas oo ay xaflad balaadhan iskugu yimaadeedn ardayda iyo qaybha kala duwan ee dadka reer Somaliland ee wadnkaas ku sugan.

Xafladan xuska 18 May ayaa lagu qabtay magaaladda Manjing, waxaana xafladaas dadkii isugu yimi oo u badnaa ardayda wadnkaas wax ka barataa ay goobtaas ku soo bandhigeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo riwaayado ka hadlaaya waayahay ku ga’adaaman ardayda reer Somaliland ee wadanka China wax ku barata.

Tanzania

Xaflad heer sare ah oo lagu xusaayay munaasabada 18 May, ayaa markii ugu horaysay lagu qabtay wadanka Tanzaniaxaruntiisa Darasalaam, xaladan oo ay soo abaabuleen dadka reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaas ayaa xuska maalinta gooni isku taaga Somaliland ugu dabaal dagay habeenimaddii, iyaga oo sameeyay xaflad qiimo badan oo kor u qaaday shucuurtooda muwaadinnimo, isla markaasna u naqotay cawas qiimo badan, waxaanay bulshadii xafladaas ku kulantay ay  isku tahaniyadeeyeen maalintan qiimaha badan ee 18 May.

Masar

Xarunta dalka Masar ee Qahira ayaa iyadana marlabaad lagtu qabtay xuska maalinta ay Somaliland go’aansatay inay gooni isaga taagto waxii laysku odhan jiray Somaliya. Xaflad balaadhan oo lagu qabtay magaaladda Qaahira ayaa ay si weyn uga soo qayb galeen dadweynaha Somaliland oo munaasabadan ku soo dhaweeyay qalbiyo furan iyo farxad dheeraada.

Waxana isla goobtaas laga jeediyay khubado dhinacyo badan taabanaya oo u badan muhiimadda uu go’aankaasu u lahaa umadda Somaliland iyo waxa ay ka faa’ideen gooni isku taaga. Xafladan oo ahayd mid faraxad badan ayaa ahayd mid ku soo dhamaatay farxad iyo habeen hanbalyo.

Jabuuti

Wadanka Jabuuti ayaa si weyn dhankiisa looga xusay 18 May, waxaana wadnkaas lagu qabtay xaflad ay soo camireen jaaliyada reer Somaliland ee wadankaas ku sugan, iyada oo ay kala soo qaybgaleen Xildhibaan Cali Cabdi Faarax,  oo hambalyo u diray shacabka. Dadka reer Somailand ee ku nool wadnaka Jabuuti ayaa umadda reer Somaliland ku hanbalyeeyay munaasabadda, isla markaasna waxa ay ku duceeyeen in wadanka alle siiyo aqoonis buuxa oo imika baahi weyn uu dalku u qabo.

Kiniya

Xafladahan lagu xusaayay munaasabadda 18 May ayaa sida oo kale waxa lagu qabtay wadanka Kiniya, halkaas oo ay xaflada balaadhan isugu yimaadeen dadka reer Somaliland ee wadankaas ku dhaqan, waxaana inta badan xuska ka dhacay wadanka Kiniya lagaga waramay heerarkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, waxaanay wakhitigan ku tilmaameen mid muhiim ah oo wadanka uu wadda hadal la yeelanayo Somaliya si ay ukala gurtaan waxii isugu jiray, waxaan halkaas lagu so bandhigay heeso tiro badan oo wadaniya.

Maalintan gooni isku taaga Samaliland ku suntan ee 18-ka May, ayaa noqotay mid laga xusay wadamo tiro badan oo ku kala yaala daafaha caalamka, bulsho weynta Somaliland ayaa ka siman xusitaanka maalintan qaranimada, waxaana inta badan ee dadku ay isla gaadhaan hanbalyooyin iyaga ku labista calanka Somaliland oo maalmahaas iibkiisu sare u kaco, isla markaasana ay ka ganacsadaan dad tiro badan.