Maraykanka Oo Qalab Milateri Siiyey Ciidamada Badda Ee TFG Iyo Mooganaanta Somaliland

13
881

bda somaliaMuqdisho- (Geeska/Youm7)- Ciidamada Dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa maalintii shalay ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM ka guddoomay 33 doonyo milateri ah oo ay dawladda Maraykanku ku caawisay.  Xaflad aad loo soo agaasimay oo uu ka qayb galay ergeyga midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Jerry John Rawlings oo ah madaxweynihii hore ee dalka Ghana oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu raysalwasaare ku xigeenka dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia Cabdiwahaab Xuseen Khalaf ku guddoomay doonyahan milateri oo lagu sheegay in ay qayb ka yihiin gacanta uu dalka Maraykanku ka geysanayo dadaallada lagu doonayo in dib loo dhiso hay’adaha amniga ee Soomaaliya.

War murtiyeed uu sabtidii shalay soo saaray ururka midowga Afrika oo lagu caddeeyey noocyada doonyahan milateri ayaa  sidoo kale lagu yidhi, “Caawimadan oo ay bixisay dawladda Maraykanku waxa ay qayb ka tahay saamiga ay dawladdaasi ka qaadanayso dadaallada socda ee dib u dhiska dhinacyada amniga”

Ergey ku xigeenka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia Wafula Wamunyinyi ayaa isna dhinaciisa ka sheegay in caawimadan gaadiidka badda ah ee la siiyey dawladda Ku meel gaadhka ahi ay timid xilli ay ciidamada dawladda oo garab ka helaya ciidamada Afrika ee AMISOM ay horumar ballaadhan ka sameeyey ka hortagga ururka Alshabaab. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Doonyahani waxa ay taageero qalab u noqonayaan ciidamada Soomaaliya ee weli sii wada xoraynta goobo cusub, iyo weliba xasilinta amniga shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaamada la xoreeyey, sida uu u yidhi.

In kasta oo ay dawladda Maraykanku caawimadan hub soo marisay ururka Midowga Afrika, haddana waxaa la odhan karaa waa markii ugu horreysay ee uu Maraykanku ku dhiirrado in uu si toos ah taageero milateri u siiyo ciidamada Soomaaliya intii ka dambaysay dhicista dawladdii keli taliyaha.

Taageeradan Milateri waxa ay ku soo beegantay xilli ay bulshada Caalamku cod isku mid ah ku cadaadisay Somaliland in ay xabsi u noqoto budhcad badeedda laga soo qabto badaha. Iyada oo weliba marar badan Somaliland iyo masuuliyiin reer galbeed ahi ku celceliyeen in ay ka wada shaqaynayaan dhinaca budhcad badeedka, taas oo sabab u noqotay in budhcad badeedkaas lagu xukumay dalal kale ay hadda ku jiraan xabsiyada Somaliland.

Arrinta muhiimka ah ee halkan ku jirta ayaa ay sababta ay xukuumadda Somaliland reer galbeedka ugu cadaadin weyday in haynta maxaabiistaa beddelkeeda ay iyaguna qalabeeyaan  ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland oo ka nidaam iyo tayo wanaagsan kuwa dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya, isla markaana ay dawladaha reer galbeedka qudhoodu ka marag fureen inay nabadeeyeen xeebaha Somaliland. Iyada oo weliba la og yahay khatarta ay haynta maxaabiistaasi ku keeni karto amniga badaha Somaliland iyo nabadgeliyada ganacsiga dadka reer Somaliland ee badaha ka gudbaya.

Waxaa xusid mudan in qalabaynta ciidamada maxalliga ahi ay tahay arrin aan ku xidhnayn aqoonsi oo uu imikaba Maraykanka iyo dalal kalaba la garab taagan yihiin dalal aanay diblumaasiyad ahaan aqoonsanayn ururro balse dano kale ay isku qabaan.

Comments are closed.