Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xadhiga ka jaray wershadda sharaabka ee Somaliland Beverage Industry (SBI)

0
1518

sb14Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xadhiga ka jaray wershadda sharaabka ee Somaliland Beverage Industry (SBI) oo laga hirgeliyay deegaanka Jaleelo ee waqooyiga-bari ee magaalada Hargeysa, taas oo ay maalgashadeen ganacsato muwaadiniin ah oo walaalo ah kana tirsan shirkadda OGF Group.

Munaasibad balaadhan oo ay ka qayb galeen dad kor u dhaafay kun qof, ayaa waxa ka qayb galay agaasimaha  shirkadda Coca Cola ee bariga, badhtamaha  iyo galbeedka Afrika oo ka kooban aftameeye dal oo Afrikaan ah Mr. Natthan Kalumbu, Axmed Cismaan Geele oo ah guddoomiyaha wershadda SBI,  wasiiro ka socday xukuumadda Somaliland, Wasiiro ka socday xukumadda dalka Djibouti, diblomaasiyiin ka socday dawladda Itoobiya, ganacsato u dhalatay dalalka Jaarka iyo kuwo wadani ah iyo dadweyne kale oo aad u badan. Martidaasi waxa ay shalay goob joog ka noqdeen furitaanka wershadaas oo ay ku baxday lacag dhan 17 Milyan Dollar.

Guddoomiyaha kana tirsan walaalaha mulkiilayaasha ah ee  shirkadda SBI Mr. Axmed Cismaan Geele oo ka hadlay xafladii furitaanka ayaa u mahad celiyay madaxweynaha iyo marti-sharaftii kale ee ka soo qeyb galay xafladaasi, waxaanu sheegay in dhsimaha warshadan uu ku riyoonayay hirgelinteedda muddo 28 sanadood ah, waxaanu tilmaamay inuu u mahad celinayo dadkii kala soo shaqeeyay marxaladihii uu u soo maray wershadaasi, waxaanu xusay in ALLE ha u naxariistee Aabihii Cismaan Geelle Faarax uu wax ku lahaa intii aanu xijaaban fikirkii wershadaasi. Axmed Cismaan Geele oo ku khudbadeeyay luuqaha Ingiriisida iyo Somaliga, ayaa wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay agaasimaha coca cola ee bariga, badhtamaha iyo galbeedka Afrika Mr. Natthan Kalumbu oo uu ugu soo halqabsaday ‘Ninkii I aaminay.’

Axmed Cismaan wuxuu sheegay inay warshadani ay liisan ka qaadatay shirkadda Coca-cola adduunka sanadkii 2008-dii,waxaanu tilmaamay in sharaabkoodu uu waafaqsan yahay heerkii caalamiga ahaa, waxaanu u mahad celiyay shirkadda Coca-cola.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in 17- milyan oo Dollar lagu maal-geliyay warshadan taasi oo ay iska kaashadeen Somaliland Beverage Industry (SBI) iyo Shirkadda Coca-cola, oo ay ka go’an tahay inay qaaradda Afrika ku maal-geliso $12 Bilyan oo dollar sanadaha 2010 illaa 2020-ka. “Waxaan jecelahay inaan u mahadceliyo Madaxweynaha Somaliland oo intii aanu dhisaynay warshadan taageero balaadhan nala garab taagnaa, waxa kale oo aanan marnaba iloobi Karin oo aan si weyn ugu mahad celinayaa odayaasha deegaanka Jaleelo oo nala soo kifaaxay maanta midhaheedii nala guranaya,”ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkadda SBI.

sb 2

sb8

sb13

sb14