Sidee Ayuu Saleban Uga Hadlay Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka?

0
558

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku baaqay in aan la dhantaalin wada jirka iyo midnimadda Somaliland.

Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay ka soo degay madaarka Berbera, isagoo muddo xaalad caafimaad darteed u tagay dalka Ingiriiska.

Guddoomiyaha aqalka odayaasha Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu duray sharciyadda golaha la magac baxay wada tashiga iyo toosinta qaranka oo ay ku dhawaaqeen xubno ka mid ah siyaasiyiin waaweyn. “Guurtida oo qeylinaysa ayaan maqlayay oo ka hadlaysa niman Gole samaystay, waxay ila tahay sharciyan in Goleyaasha qaranku sadex uun yihiin, Gole afraad ma jiro,”ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Wixii naqdi ah waa la ogol yahay iyo wixii dhaliil ah-ba, laakiin wixii taabanaya sharciyadda dalka waxay ila tahay in dhammaanteen-ba aynu iska ilaalino. Muwaafaqadda uun baa dalka meel lagu gaadhsiiyaa. “Haddii wax qaloocan la arko waa la sheegayaa iyadoon goleyaal ba la samaysan, shakhsi shakhsi ayaa la oo sheegayaa, waar waxaasaa inaga qaloocan ee hala toosiyo ninka yidhaahda waa wax tar, laakiin gole   goleyaasha u muuqdaa meesha ma yaalaan.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in socdaalkiisu la xidhiidhay xaalad caafimaad isla markaana uu aad u wanaagsan yahay oo uu ka soo kabanayo xanuunkii uu u tagay dalka Ingiriiska.