Garabka Dhallinyarada Ee Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Oo Lagu Dhawaaqay

0
524

Picture3Hargeysa(Geeska)-Golaha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland ayaa ku adkaystay in aanay ka tanaasulayn golahooda,isla markaasna aanay jirin sharci u diidaya inay golahan ku toosiyaan xukuumada,xisbiyada mucaaradka ah iyo guud ahaan talada Somaliland.

Waxa kale  golahani ay ku dhawaaqeen garabka dhalinyarada ee  Golaha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka oo goballada dalka oo dhan ka jiri doona.waxaany sidaas ku sheegeen shir jaraa’id oo ay si wada jir ah golahani ugu qabteen magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Maxamed Cismaan (Bulqaas)  oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada kuna jira Golaha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa ugu horayntii shirkaas jaraa’id kaga hadlay sharciyada golaha waxaanu yidhi “Waxaan halkan ku cadaynayaa in Golaha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka aanu ahayn gole siyaasadeed oo gaar ah ama mid qabyaaladeed ee uu yahay mid ay ku dhantahay akhyaarta gobalada dalka oo dhan,golahan waxa uu ka abuurmay xaalada guud ee dalku halkay marayo oo mad madaw badan ka muuqdo una baahan wada tashi is toosin iyo si qancin.Golahani kama hor imaanaayo dastuurka qaranka iyo xeerarka kale ee dalka u yaala sida qodabka 23-naad eedastuurka qaranka faqradiisa 3-xaad oo odhanaysa  (muwaadiiniintu waxay xar u yahiin inay isku habeeyaan   ururo siyaasadeed,cilmiyeed,dhaqameed,bulsheed,xirafadeed  ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka.)sida oo kale hadii aynu eegno golaha macnahiisa sharci ma jiro qodab dastuuri ah oo mabnuucaya in la’labaxi karo gole,halka dastuurka iyo xeerarka kale ee ka dheeganiba ay ugu yeedhaan golayaasha sharciga ah markaad eegto xeer lanbar 14 isaga oo sharaxaaya golayaasha sharciga ah waxa uu yidhi ( golayaasha sharciga ah waxa loola jeedaa  golayaasha dastuuriga ah ee JS oo kala ah golaha guurtida,golaha wakiilada iyo golaha deegaanka)  sida oo kale xeer lanbar 14 waxa ku cad inay jiraan golayaal aan ahayn kuwo dawli ah sida sadexda xisbi iyo ururo siyaasadeedyadii ku tartamaayay doorashadii deegaanka  waxaanu xeerakani ku waajibiyay inay yeeshaan gole dhaxe iyo gole fulineed. Waxa kale oo jira haayado leh magacan gole oo aan dawli ahayn oo ah ururada bulshada iyo waxii la mid ah. Waxa cad in magacan gole aanu u sugnaan golayaasha dawligaah oo kaliyaata, markaas waa in aanay xukuumadu ciirada isku qarin ee ay is cadayso.”

Eng.Maxamed Xaashi  Cilmi ayaa isaguna dhankiisa waxa uu difaacay golahan oo uu sheegay inay ku jirto danta dalka iyo dadka loona baahan yahay in la wada tashado waxaanu dhaliilay heshiiskii dhanka hawada ee dhawaan ay soo wada gaadheen Somaliland iyo Somaliya, waxaana hadal kiisa ka mid ahaa “Waxa wanaagsan in waxii dalka u dan ah aynu wax iska waydiino,ka wada tashano isaga nimaadno is toos  toosino waa wax inoo wada dan ah, oo dawlada u dan ah,guurtida u dan ah,golaha wakiilada u dan ah oo umada u dan ah danteenaana ku jirta in waxii inaga qaloocan aynu ka wada tashano  oo toos toosisano.tooosinta waxa ka mid ah shirar ayaa loo qabtaa Soomaaliya marka Soomaaliya la yidhaahdo inagu Somaliya ma nihin in aynu ka qayb qaadanaana waa xaaraan in wax la isku waydiiyo ayay ahayd, waxa la yidhi Turkiga ayaa lagu wada hadlayaa taasi waa ay yara dhaantaa  shirarka Somaliya ee laga qayb galaayo,laakiin taas qudhigeedu waxay u baahan tahay talo gal maaha in dadka tagaya la yidhaado berri ayaa la galayaa  iyada oo wax la sii diyaariyay iyo mid la sii qorsheeyayba aanay jirin.”