Salaadiinta Somaliland Oo Golaha Wada Tashiga Ka Qaatay Go’aan Aan Xukuumadda Ka Farxin

0
4394

Picture6Hargeysa(Geeska)-Salaadiinta Beelaha Somaliland, ayaa isku raacay inay guddi xog-waraysata u diraan golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka, oo ay xukuumadda Somaliland doonaysay inay cod midaysan ku cambaareeyaan oo ay salaadiintu soo saaraan baaq cambaarayn ah.

Inta badan ee madax dhaqameedka beelaha Somaliland ayaa shalay gelinkii dambe yeeshay shir balaadhan oo soo gabagaboobay xalay fiidkii. Kulankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa sida ay ilo xogogaali sheegeen waxa ay qaar ka mid ah salaadiintu ku soo bandhigeen in cod midaysan lagu cambaareeyo golahaas oo ay ku doodeen inay yihiin gole siyaasadeed oo qayral sharci ah, waxaanay soo jeediyeen in la soo saaro baaq ka dhan ah golahaas. Laakiin qaar kale oo ka mid ah salaadiinta ayaa iyaguna soo jeediyay inaan lagu deg degin cambaarayn, maadaama oo ay madaxdhaqameedku salaadiin u yihiin xukuumadda iyo mucaaradkaba, waxaanay tallo ahaan ku soo jeediyeen in la magacaabo guddi soo waraysata. Waxaanay aakhirkii salaadiintu isku raaceen in guddi soo xog-waraysata loo diro golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka. Waxaana shirkaas shalay lagu magacaabay guddi ka kooban 17 xubnood oo madaxdhaqameed ah oo kulan la yeelata siyaasiyiintan mucaaradka ah oo ay xukuumadda Somaliland ku kicisay duufaano siyaasadeed oo u badan dad weji ku macaash ah.

Go’aankan ay salaadiintu qaateen ayay dad badani u arkaan go’aan madaxdhaqameed, maadaama oo ay garwaaqsadeen inaanay si fudud ugu biirin dadka tirada badan ee cambaaraynta la daba joogta siyaasiyiintan, kuwaas oo u badan shakhsiyaad xukuumadda taageero kaga doonaya.

Hase yeeshe xukuumadda ayaa la saadaalinayaa inaanay jeclaysan doonin go’aankan salaadiintu ka qaateen golahan, maadaama oo ay ka sugaysay inay sida siyaasiyiinta iyo dad shacab ah u cambaareeyaan golahaas oo ay isugu tageen siyaasiyiin magac iyo miisaan dalka ku leh.