Sidan Ma U Fasirataa..? Waa Ereyo Caan Ah Oo Qaab Maadays Ah Balse Xikmad Weyni Ku Jirto Loo Qeexay

0
1768

– Saaxiibka: Qof aad aragtidiisa iyo jiritaankiisa ku raaxaysato laakiin aanad ka filan karin faa'ido joogto ah.

– Waayo-Aragnimada (Khibrad): Waa karti uu qofku u yeesho in iyada oo aan la dareemin uu joojin karo erey maskaxdiisa ka soo baxay inta aanu carrabka dacalkiisa ka soo gudbin.

– Isqancin (Nafta oo been loo sheego): Waa qofka oo noqda sida diigga, oo u haysta in aanu waaagu beryeyn (dillaacayn) illaa uu isagu dhawaaqo.

– Qof: Waa noole isaga oo ooyaya dhasha inta uu nool yahayna cabasho ku waara.

– Diblumaasi: Waa qof isaga oo aan mindi adeegsan qoorta ka goyn kara cidda ay is hayaan.

– Diblumaasi: (Qeex labaad): Waa ninka xasuusan dhalashadii xaaskiiga laakiin aan aqoonin da'deeda.

– Jacayl: Waa Xanuun qofka uu ku dhacaa jecel yahay in aanu ka bogsan.

– Farxaddu: Waa adiga oo ka mashquula ka fikirka dhibta adduun.

– Caaqilku (Qofka maskaxda badan): Waa ruuxa aan daba ordin farxadda iyo badhaadhaha, balse ka ordi yaqaanna  hoogga iyo halaagga.

– Kibirku: Waa dawo caqli laawaha xummad jebisa.

– Inanta (Aan waayo aragga ahayni): Waa ta baqdin la qaylisa marka ay jiir aragta, laakiin dhoolla caddaysa marka ay yey (Rag) aragto.

– Waqtiga: Waa tuug qosol badan oo si sahlan u xada dhalinyaronimadeena.

– Faduuligu: Waa qofka marka aad aragtaba cid kale wax kaa weydiinaya.

– Danayste: Waa nin naftiisa uun ka sheekeeya.

–  Qosolka: Waa hubka ugu fiican ee aad kula halgami karto nolosha, lagana yaabo in aad kuba jebiso.

– Guulayste: Waa qof qaladaadkiisa gala xilli aanay dadku arkayn.