Sida Ugu Habboon Ee Shirka Shaqo Ee Aad Guddoominayso Uga Dhigi Karto Midho Dhal (Q:3)

0
695

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad uguna dambaysay qormadii ka hadlaysay sida ugu fiican ee qofku uu shirarkiisa shaqo uga dhigi lahaa kuwo dhala midhaha uu ka filanayo. Shirarkan oo ay qormadu u qaybisay shan nooc waxa ay mid mid u soo bandhigaysaa shir kasta waxaa laga filayo, sida uu inta badan u dhaco iyo talada ugu habboon oo ee shirkadda barnaamijyada ee ASANA ay siinayso ruuxa agaasimaya shirka si uu midho dhal ugu noqdo:

5. Shir qof iyo qof ah:

Waxaa mararka qaarkood muhiim ah in maamulaha shaqadu uu shir la yeesho hal qof oo ka mid ah shaqaalaha ama hawlwadeennada kale ee shaqada, si ay u gorfeeyaan arrin khusaysa hawsha qofkaasi gacanta ku hayo, ama sixid iyo wanaajin ugu sameeyaan qaladaad iyo qallooc ku yimid.

Maxaa dhaca? Kulamadani waxa ay inta badan u dhacaan uun sheeko iyo in uu hadalku baaho oo mawduucyo shaqada ka baxsan uu galo. Sababtuna waxa ay u badan tahay qofka shaqaalaha ah oo u qaata in shirka noocan ahi iska yahay uun kulan saaxiibtinimo.

Xalka: Qofka shaqaalaha ah ee aad rabto in aad kulan la yeelato, haddii aanu ahayn kulan aad ku siinayso amarro kuu sii diyaarsan, ama lagu xallinayo xaalad degdeg u timid oo aan waqti la sii sugi karin, sii fursad uu kulanka ka hor ku sii ogaado in aad isu imanaysaan, sidoo kale u sheeg ajandayaasha muhiimka ah ee kulanka adiga oo faraya in uu sii diyaarsado waxa uu kulankaas la imanayo. Adiga qudhaaduna su’aalaha iyo arrimaha muhiimka ah ee shirka noocaas ah la xidhiidha sii diyaarso si aanay sheekada caadiga ahi kulanka uga helin fursad.

6. Go’aamada waaweyn: Mar haddii shaqo iyo hawli socoto waxaa aad u muhiim ah in ay jiraan waqtiyo kulanno ay isugu yimaaddaan shaqaalaha kala duwan ee hawshu isu keentay. Maadaama oo shirarka noocan ah ay inta badan ka soo qayb galaan dad aad u tiro badan, waxaa loo baahan yahay in ajandaha shirku koobnaado, isla markaana guddoomiyuhu ku dadaalo in aan laga bixin xuduudka ajandayaasha si waqtiga looga faa’idaysto.

Waxaa muhiim ah in dhammaan xubnaha shirkan ka qayb galaya la fahamsiiyo in kulamada noocan ah looga baahan yahay in ay noqdaan kuwo masiiri ah oo weliba haddii duruufta markaas laga shirayaa ay lagama maarmaan ka dhigto ay ka soo bixi karaan go’aamo dhaqso ah oo mararka qaarkood 30 daqiiqo gudahood ah.

Maxaa dhaca: Maadaama oo inta badan shaqaaluhu aanay ku tababarnay shirarka noocan ah waxaa dhacda in shirku dhammaado iyada oo su’aalaha taagani kaba badan yihiin jawaabaha la hayo,

Xalka: Shirka ka hor sii jilci arrinta muhiimka ah iyo go’aamada aad u aragto in ay habboon yihiin, kadibna shaqada ka bilow in qof kasta oo shirka ka mid ah mid mid go’aamadaas u naqdiyo, wax ka beddel iyo wax ka darisna ku sameeyo. Dhammaad.