Sida Ugu Habboon Ee Shirka Shaqo Ee Aad Guddoominayso Uga Dhigi Karto Mid Midho Dhal Ah (1)

0
582

Hargeysa (Geeska)- Haddii aad mar uun shir-shaqo abaabushay adiga oo rajo weyn ka qaba in midho anfac u leh shaqadu ka soo baxaan, laakiin aad ka soo baxday adiga oo dareemaya jaahwareer iyo cadho iyo in uu ahaa waqti lumis uun, kelidaa kuguma ay dhicin. Shir xumadu waxa ay ku dhacdaa kuweenna ugu fiican, nasiib darrana joogto ayaaba uu dhacdaa in aynu ka qayb galno ama agaasinno shirk u dhammaada sheeko iyo shaah oo aanay midho la taaban karaa ka soo bixin. Laakiin weli ma isku dayday in aad qabato shir lagaga arrinsanayo sidii shirarka laftooda looga dhigi lahaa kuwo waxa laga rabaa ay ka soo baxaan?! Jawaabtu waxa ay u badan tahay MAY, laakiin waa loo baahan yahay in laa arrinsdo sidii loo wanaajin lahaa shirarka, sida ugu habboon ee la isaga ilaalin karo .

Madaxa ayaa aynu is gelinnaa (Shirarka) si aynu uga fikirno siyaabaha aynu u wanaajin karno dabinnada shirarka fashiliya. Qormadan waxa uu Geeska Afrika kugula wadaagayaa talooyin wax ku ool ah oo ay khubaro arrimahan ku xeel dheeri ka bixiyeen xeeladaha ugu fiican ee aad shirkaaga uga dhigi karto mid midho dhal ah oo hambalyo iyo niyad wanaag ka kasbada jaalkaaga ay idinka dhexeeyaan arrimaha laga shirayaa.

Shirarka waxa aynu u qaybinaynaa 5 nooc, oo aynu sheegayno nooc kasta waxa laga filayo, waxa dhaca iyo xalka ay kuu soo jeedinayaan khubrada shirkadda ASANA oo ah barnaamij internet ka oo lagu isticmaali karo kombiyuutarka iyo Talefanka gacanta labadaba, kaas oo loogu talogalay in kooxda shaqaalaha ah ee shirkad wada joogaa ay ku wada shaqeeyaan iyaga oo aan e-mail adeegsan. Shirkaddan waxaa wada aas-aasay Dustin Moskovits oo sidoo kale Facebook aas-aaskiisa qayb ku lahaa iyo Injineer Justin Rosenstein oo labaduba sidoo u shaqayn jiray Wikipedia.  Haddaaba waa kuwan arrimahaas oo uu Geeska Afrika Afka hooyo u soo rogay ee ka bogo:

Isla jaan-qaadista degdegga ah:

Ereyadani waa sida aynu macno ahaan u turjunnay waxa uu shirkani yahay, waase ereyo aan si rasmi ah uga turjumayn magaca shirkan oo afka qalaad lagu yidhaahdo, “The Quick sync Meeting” Waa shir daqiiqado kooban oo 10 noqon kara la kulmo, si kooxda-shaqo ay si degdeg ah isula socodsiiyaan xaaladaha u dambeeyey ee hawlahooda shaqo, ilbidhiqsiyana u falanqeeyaan waxa ku-cusub iyo caqadaha fudud ee jira, iyo talooyinka la is dhaafsan karo:

Sida ay inta badan u dhacdo:

Shirkan oo shaqada iyo dardargelinteeda muhiim u ah inta badan lagama gaadho ujeedadii laga rabay, qalad guud oo shirarka inta badan ku dhaca awgeed. Waxa aanu u dhurtaa uun 10 daqiiqadod, oo qofka soo agaasimay marka laga tago aanay cid kale si rasmi ah u ogaanba waxa uu daaranaa iyo sababta la isugu yeedhay midna.

Talada ASANA:

“Xitaa shirarka dhaqsaha ah, waa in aad tagtaa adiga oo sii diyaar-garoobay, siina diyaarsada ajandaha shirka” Waxaa iyaduna muhiim ah in aad u diyaar garowdo sidda ugu habboon ee aad shirka u maamuli karto si uu u yeesho faa’idada looga baahan yahay, dadkuna ka soo baxaan iyaga oo talo, dhiirrigelin iyo firfircooni ka soo qaaday, oo aanu u noqon daqiiqado waqti lumis ah oo waqtigii shaqada uun ka go’ay. La soco…