Siciid Cilmi Rooble Oo Ka Hadlay Khilaafka UCID, Saldanada Subeeriyada

0
790

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, isla markaana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani,ayaa ka hadlay khilaafka  soo  kala dhexgalay Hogaanka Xisbiga Mucaaradka ee UCID, gaar ahaan Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, waxaanu Xukuumadda ku eedayey in khilaafkooda ay ka dambaysay, oo aanay Xukuumaddu raali ka ahayn ogelayna Musharaxnimada Madaxweyne ee Jamaal Cali Xuseen

1

Xildhibaan Siciid Cilmi ayaa sidoo kale Xukuumadda eedayey inay ka dambayso khilaafka saldanada Subeer Awal, waxaanu tilmaamay in ilaa hadda aan sharciga la hor keenin Salaadiin muddo xidhan, waxaanu si gaar ah fariin ugu diray Wasiirka Madaxtooyada oo uu ugu baaqay inuu wax ka qabto arimaha taagan, oo uu sheegay inay Madaxtooyada laga wado, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya "Waxayaabaha aan doonayo in aan u caddeeyo umadda Jamaal Cali Xuseen waa nin musharaxa ah, waa la og yahay, waa nin maanta u taagan musharax madaxweyne,dagaal baa lala galaya, anigu waxa aan qabaa in dagaalkaas si toos ah Xukuumaddu ugu jirto, waxa ii markhaatiya waxa uu codsaday askari, xaq baanu u leeyahay, waa nin musharax ah, ilaa imikana  lama siin, waa la hor taagan yahay, taa micnaheedu waxa weeye Jamaal musharaxnimo ogola,Madaxweyninama loogama ogola, askari boodhi gaadh ahna loogama ogola".

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlaayey Suldaankii dhawaan la caleemo saaray ayaa yidhi "Suldaankii guud ee Beesha waa la weeraray, saldanadiisi baa la weeraray,waxaad ogeydeen baa ka dhacay, madaxa la doonaya in Beeshan laga garaaco, oo cid alaale cidii ka hor timaada Xukuumaddan ama rayigeeda dhibaata in shaqo laga qabto, haddii ay tahay mid musharaxa madaxweyne, haddii ay tahay Suldaan guud tahay, haddii ay tahay inan rayigeedii Waddani ugu tagtay, haddii ay tahay mid kale oo  UCID oo ka hadlaysa danaha umadda iyo dhaliilaha.

Waxa kale oo jirta Salaadiin beesha ka tirsan oo muddo saddex bilood ah ku xidhan Madheer iyo niman kale oo akhriyaar ah, Nimankaas Maxkamadna laga keenin  meel alaale meel xaalkooda lagu tirayeyna ma jiro,. waa arin mucjisooyin ah oo dhacday, waxa aan leeyahay haddii ay Xukuumaddani dhego leedahay, oo Maxamuud Xaashoow, adiga Wasiirkii Madaxtooyada, meeshan talada  laga wadaa waa Madaxtooyada  waxa aan leeyaha Wasiir arimahaas oo dhan dib ha loogu noqdo"