Shir Lagu Falanqeeyey Siyaasadda Waxbarashada Somaliland Oo Lagu Soo Gunaanaday Hargeysa

0
657

Hargeysa (Geeska)- Shir muddo saddex maalmood ah socday oo lagu falanqeeyey siyaasadda waxbarashada Somaliland, ayaa lagu soo gunaanaday magaalada Hargeysa shalay, kaasoo ay maalgelisay Hay’adda Caalamiga ah ee Mercy Corps, waxa sidoo kale dib loogu qiimeeyey xaaladaha waxbarasho ee dalka.

1

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibhaarim Habane (Cabdillaahi-dheere) oo hadal ka jeediyey xidhitaankii shirkaas oo ka socday hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in siyaasadda guud ee waxbarashada dalka ee shirkaas lagu falanqeeyey ay horgayn doonaan Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo, looguna shaqeeyo mustaqbalka dhaw.

Waxa kaloo uu sheegay in dejista siyaasadda waxbarashada Somaliland ay muddo dheer socotoy, isla markaana aqoonyahanka iyo dadka ku-xeel dheer arrimaha tacliintu si weyn uga qaybqaateen, figrado iyo tallooyin muhiim ahna ku dareen sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka, isagoo u mahadceliyey cid kasta oo gacan ka gaysatay, gaar ahaan hay’adda Mercy Corps oo maalgelisay shirka lagu lafa-garay siyaasadda waxbarashada iyo tacliinta sare oo muddo saddex maalmood ah ka socday Hargeysa.

Guddida aqoonyahanka ah ee loo xilsaaray dejinta siyaasadda waxbarashada iyo dib-u-eegista xaaladaha waxbarasho ee dalka, ayaa shirkaas ku soo bandhigay  in heerka waxbarasho ee dalku waqtigan marayso meel xun, loona baahan yahay in si ballaadhan looga wada qaybqaato sidii loo fulin lahaa, loona dhaqangelin lahaa siyaasadda loo dejiyey waxbarashada marka laga ansixiyo Golaha Wasiirrada Somaliland.

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Waxbarashadda iyo Warfaafinta Somaliland oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin midho-dhalka ka soo baxay shirka lagu falanqeeyey siyaasadda waxbarashada, kuwaasoo xusay in arrintan guul u tahay Somaliland, isla markaana ka qaybqaadan doonto kobcinta aqoonta iyo horumarka dalka.