Sibidhley: Ilmo Yar Oo Ku Geeriyooday Miino La Kacday Iyo Dhaawac Soo Gaadhay 7 Ruux Oo Kale

0
514

Sibidhley (Geeska) – Ilmo yar ayaa geeriyooday, 2 kalena dhaawac ayaa soo gaadhay, kadib markii miino kula kacday goob degaan u dhexeeya deegaanada Habuura iyo Sibidhley ee xuduuda Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale, 5 qof oo kale ayaa dhawacmay kadib markii ambalaas loo diray carruurta dhaawaca ah, uu ku dhacay baabuur xaajiyad ah oo rakaab siday, meel u dhow deegaanka Balli-hiile, sida uu ku warramay Telefiishanka Qaranka Somaliland.

3-da Carruurta ah ee midkood geeriyooday, ayaa la sheegay In goobta Miinadu kaga Qaraxday ay xoolo ku eegayeen.

Dhanka kale, dhammaan 7-da qof ee dhaawaca ah ayaa lagu dabiibayaa Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco.

Xaaladda dadka dhaawaca ah oo ah oo ay ku jiraam 2 Carruur ah, ayaa xaaladdooda Caafimaad tahay mid deggan xilligan, sida Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Dr. Maxamed Yuusuf Jaamac uu u sheegay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.

 

Geeska.net/Hargeisa Office