Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Awooddeeda Iskugu Geynayso Wax-soo-saarka Beeraha

0
554

“Sannadka 2023, Miisaaniyaddu Waxay Awoodda saaraysaa Beeraha iyo…” Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in miisaaniyadda 2023 awoodda saari doonto dhinacyada Wax-soo-saarka beeraha, caafimaadka iyo Waxbarashada.

Kulan madaxda Maaliyaddu la yeelatay aqoonyahanka jaamacadaha, iyo bulshada rayidka ayaa ujeedadiisu daaranayd sidii ay Bulshada-rayidka ahi door ugu yeelan lahayd diyaarinta miisaaniyadda dawladda, sida uu dhigayo xeerka maamulka maaliyadda ee Xeer Lr. 75/2016, is la markaana ku cad kal-tirsiga (Calendar) ama jadwalka loo raaco diyaarinta Miisaaniyadda dawladda.

Kulankaas ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan iyo waliba Agaasimayaasha waaxaha Miisaaniyadda, Dakhliga ee Kastamada iyo Cashuuraha Berriga, Xidhiidhka-Dadweynaha, Dhaqaalaha iyo saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda.

Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Md Yaasiin Ducaale Barre ayaa madashaasi ka jeediyey Warbixin (Presentation) ka hadlaysay miisaaniyadda dowladda iyo marxaladaha ay marto, kaas oo bulshadda u iftiimiyey meelaha ay mudnaanta siinayso miisaaniyaddu.

Kulankaas oo qaatay saacado badan ayaa waxa intii uu socday la is ku waydaarsaday afkaaro iyo soo-jeedimo dhaxal gal ah iyo su’aalo la xidhiidha miisaaniyadii hore iyo diyaarinta miisaaniyadda sanadka 2023, kuwaas oo ay dhamaantood madaxda sare ee wasaaradda horumarinta maaliyaddu si hufan uga warceliyeen.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa bulshada u ballanqaaday in fikiradahoodu ka muuqan doonaan miisaaniyadda 2023 waxii suurtagal ah.

Agaasimaha Guud Maxamed Cabdi Gurxan oo hadal ka jeediyey ayaa u mahadceliyey aqoonyahankii iyo martidii ka soo qeybgashay, waxaanu sheegay in Miisaaniyada Sanadka 2023 awooda saarayso adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali shire oo hadal ka jeediyey madasha ayaa sheegay in miisaaniyadu tahay qorshe maamul, cid kastoo adeeg bixisana muhiim tahay inay miisaaniyad yeelato.

Dr. Sacad ayaa sheegay in caqabadaha ganacsiga caalamka ka taagan abuureen in dal walba isku tashado, cuntadiina noqotay hub la isku adeegsado, markaa looga baahan yahay xukuumada iyo bulshada ay ku tiirsanaantii cuntadii dibeda inooga iman jirtay ee dal kale beertay, ka baxno oo aynu dhinaca beeraha u jeesanno,

“Waa inaynu ka baxno ku tiirsanaantii cunto dal kale beertay, oo u jeedsanno inaan wax beerano, sanandka 2023 miisaaniyadu waxay awooda saaraysaa Beeraha, Caafimaadka & Waxbarashada.” Ayuu yidhi, Wasiirka horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo kulankaa hadal ka jeediyey, sida ay baahisay Warbaahinta Dawladdu.

 

Geeska.net/Hargeisa Office