Si Ay Kanaalkooda Youtube Shacbiyad Ugu Helaan Ayey Inantooda Yar Uga Argagaxiyeen

0
529

YouTuber u dhashay dalka Masar ayaa weerar kala kulmay dadka ku xidhan baraha bulshada kaddib markii uu bartiisa Youtube ku faafiyey muuqaalka xaaskiisa oo midab madow ah inta ay wejiga marsatay ka sasinaysa inanteeda yar. Inanta yar oo aad u argagaxsan, naxdinna la ooyeysa, kaddib markii ay garan weyday wejiga qofkani in uu hooyadeed yahay ayaa laga daawada Kanaalka ninkan oo lagu magacaabo Axmed Xasan.

Golaha qaranka ee hooyada iyo dhallaanka ee dalka Masar ayaa ku baaqay in tallaabo sharxi ah laga qaado Axmed Xasan iyo xaaskiisa oo inanta yar argagax ku abuuray keliya si ay uga faa’iidaystaan daawadayaal tiro badan, oo ay ku helaan lacag dheeraad ah.

Dr. Saxar Sanbaadi oo ah xoghayaha guud ee golaha qaranka ee hooyada iyo dhallaanka ayaa sheegtay in isla markii uu muuqaalkani soo baxay ay dacwad u gudbiyeen xafiiska xeerilaalinta si baadhitaan garsoor loogu furo dhacdadan. Waxa kale oo ay xidhiidh la sameeyeen xeer ilaalinta degmada uu deggenyahay qoyska Axmed Xasan si ay u furto baadhitaan ay ku eegayso suurtagalnimada in inantan yar laga qaado qoyskooda oo ay dawladdu la wareegto korinteeda iyo daryeelkeeda.

Xeerilaalinta ayaa sheegaysa in arrinta ay lammaanahan Axmed iyo afadiisa Saynab kula kaceen ilmahooda yari ay khatar ku tahay amniga ilmaha, caafimaadkiisa, noloshiisa iyo akhlaaqdiisaba. Sida oo kalana waxa ay meel ka dhac ku tahay xeerka ciqaabta dalka Masar oo mamnuucaya in xad gudub lagula kaco carruurta, in laga ganacsado, ama ujeedooyin kale oo dhqaale ku raadsi ka mid yahay.

Xeerilaalintu waxa ay sheegtay in ay falkan baadhis rasmi ah ku samayn doonto tallaabooyinka sharci ee ay mudantahayna qaadi doonto.